Monday, December 16, 2013

Prof Cali M. Geedi oo Shaki dhex dhigay laba Sheikh


Muqdisho(GNA)-Raisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay Magacaabista Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo dhawaan Madaxweynuhu magacaabay.




Mr Geedi ayaa soo dhaweeyay Rai'zul Wasaaraha Cusub wuxuuna sheegay in looga fadhiyo Cabdi Wali Sheekh Axmed Howl adag oo hortaala Xukuumada Cusub ee uu soo dhisayo.




Cali Geedi ayaa kula taliyay Ra'izul Wasaaraha cusub in uu ka fiirsado Wasiirada kamidka noqonaya Xukuumada Cusub waxa uuna tilmaamay in ay adagtahay in lagu fududaado magacaabista Wasiirada kamidka noqonaya Xukuumada Cusub.




Ra'izul Wasaarihii hore ayaana kula taliyay Cabdi Wali Sheekh Axmed in uu ka fiirsado dad hada u muujinaya in ay la jiraan hadhowna ka jirsanaya kuwaa uu tilmaamay in ay saameyn badan ku yeelaan doonto hadii uusan ka fiirsan.




 ''Waxaan kugula talin lahaa Mudane Ra'izul Wasaare in aad ka fiirsato cida aad wasiirada usoo Magacaabayso , waxaana haboon in aad Maskaxdaada kasoo xulato golaha Wasiirada oon laguu yeerin aadna iska fiirisid xubnaha hada kula jirsanaya berina kaa soo horjeesanaya'' ayuu yiri Cali Geedi.




Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku tilmaamay qaabkii loo riday Ra'izul Wasaare Saacid in ay aheyd mid sharci daro ah waxa uuna tilmaamay xubnihii ka dambeeyay riditaanka Xukuumadaasi in ay wali joogaan rajana ka qabaan in ay kamid noqdaan Xukuumadan Cusub.




Hadalka Mr Geedi ayaa duraya xubno ka mid ah Golaha wasiirrada oo madaxweyne Xasan Sheikh la saftay markii ay iskhilaafeen Reysal-wasaarihii la eryay ee saacid shirdoon.




Waxaana wasiirradaasi ka mid ahaa Arrimaha dibada iyo wasiir u dawlaha Madaxtooyada, kuwaasoo doonaya in dib loogu magacaabo xilalka, isla markaana madaxweynuhu dhabar taabasho ugu gudbiyop Reysal-wasaaraha cusub.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com