Saylici oo sheegay in Midowga Yurub oo Somaliland ka Caawinayo Tayaynta Ciidamada Badda. Hoos ka daawo
Hargeysa(GNA)-Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa maanta Markab dushii kaga wada hadlay hawlaha la dagaalanka Budhcad badeeda Geeska Afrika.
Somaliland ayaa ka mid ah dalalka ku jira heshiiska Caalamiga ah ee la dagaalanka Budhcad badeedda inkasta oo aanay helin mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo Ciidamada Badda.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin sar sare oo ka socda Hay’adda Xukuumadda ayaa maanta duleedka Magaalada Berbera ku kulmay Wefti uu hogaaminayo madaxa Hay’adda la dagaalanka Budhcad badeeda ee Midowga Yurub iyo Saraakiil sar sare oo ka mid ah Ciidamada Badda ee Frances-ka.
Frances-ka ayaa hada hogaaminaya Ciidamada Huwanta Caalamiga ah ee la Dagaalanka Budhcad badeeda oo haatan fadhigoodu yahay Dalka Djabouti.
Kulan saacaddo qaatay oo ka dhacay Markab taagnaa Duleedka Dekedda Berbera, waxay labada dhinac ee somaliland iyo weftigu sheegeen inay wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa hawlaha budhcad badeeda Geeska Afrika.
“waxaanu ka wada hadalnay weftiga Midowga Yurub sidii aanu uga wada shaqayn lahayn la dagaalanka Budhcad badeedda iyo sidii ay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan budhcad badeedu Xafiis uga furan lahayd somaliland”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Madaxweynaha ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
“Midowga Yurub waxay naga caawin doonaan tayaynta Ciidamada Badda, Maxkamaddaha iyo hawlaha kale ee dhinaca Badda”ayuu hadalkiisa raaciyay Eng Saylici.
Dhinaca kale Sarkaalka weftigan hogaaminayay oo ah madaxa hay’adda la dagaalanka budhcad-badeeda, ayaa sheegay inay sanadka soo socda bilowgiisa Xafiis ka furanayaan Somaliland, si wanaagsana ugala shaqayn doonaan dawladda arrimahan.
Faransiiska ayaa si weyn u danaynaya Maal-gashiga Dekedda Berbera, isla markaana beryahan dambe la hadal hayay inay dhawr jeer xukuumadda isla soo qaadeen inay dib u dhis ku sameeyaan dekedda Shirkaddo Faransiiska laga leeyahay, kuwaasoo maamuli doono Dekedda.
Balse ma cadda in kulanka maanta lagu soo qaaday arrintaasi iyo in kale.
Halkan ka Daawo Kulankan oo Faahfaahsan: