Monday, December 16, 2013

laba Nin oo Soomaali ah oo Aaska Mandela u soo lugeeyay 260KM. Daawo


Johanesberg(GNA)-Cumar Maxamed Cawaale iyo Cabdi Xassan Jaamac waa laba Nin oo Somali ah, oo degen dalka Koonfur Afrika.




Waxay ka qayb galeen Aaska Hogaamiyihiii Adduunka ugu sumcadda badnaa ee Nelson Mandela, kaasoo shalay lagu aasay Tuulo ku taala duleedka Magaalada Pretoria ee Caasimada Koonfur Afrika.




Si ay uga qayb –galaan Aaska Mandela ayay u soo lugeeyeen Masaafo dhan 260KM, iyagoo ka yimi Magaalada Polokwane, illaa Johannesburg oo ay tacsidii Mandela kaga qayb-galeen.




“waxaaan Masaafadda intaa le’eeg u soo lugaynay inaanu dadka Caalamka tusno inaanu nahay dad afrikaan ah, una muujino jacaylka hogaamiyihii Adduunka ugu magaca weynaa”sidaasi waxa yidhi Cumar Maxamed Cawaale oo ah Nin Geeraaryahana.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaanu sidanay Calanka Somaliya iyo kan Koonfur Afrika, iyadoo ay dadka aanu intaas soo dhexmaraynay na su’aalayay maxaad ilaa halkaa u soo lugaynayseen”.




Nelson Mandela ayaa ku sifoobay hogaamiyihii Nabada iyo Dib u heshiisiinta Koonfur Afrika, ka dib 27 sanadood oo uu xabsi ku jiray markii uu Madaxweyne ka noqday dalkiisa.




1-dii Bisha December ayuu ku geeriyooday Guriga uu ka degenaa Magaalada johanesberg ee Dalkiisa, waxaana tacsidiisa ka soo qayb galay hogaamiyeyaal tiro badan oo caalamka isaga kala yimi.




Halkan ka Daawo: