Maxkamadda oo Bilowday Dhegeysiga Dacwadda afar Nin oo ku eedeysan dil loo geystay wiil Jaamacadda markii ka qalin jabiyay la dilay.Warbixin
Hargeysa(GNA)-Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa maanta xukun ku riday laba ka mid ah lix Eedeysane oo dilal loo heysto, kuwaasoo maanta la horkeenay Maxkamadda.
lixda qof ayEedeysane ayaa loo heystay dilal sanadkan gudihiisa ka dhacay Magaalada Hargeysa.
Dhegeysiga Dacwadaha eedeysaneyaashan oo albaabadu u xidhnaanyeen, ayaa sababtay in warar ku tiri ku teen ah oo aanu gelinkii hore ee Maanta helnay sheegayeen inay 7 eedeysane ahaayeen dadka maxkamadda la horkeenay, kuwaasoo afar ka mid ah la xukumay.
Warkaasoo aanu markii hore idiin soo gudbinay,ayaa faahfaahintiisa markii aanu daba galnay, waxa ay Saraakiisha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Gobanimonews u xaqiijiyeen in in lix Eedeysane Maxkamadda la horkeenay, kuwaasoo loo kala haysto Dilka Haweenay dhawaan lagu dilay Xaafadda Jig-jiga yar oo uu Adeer u yahay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.
laba ka mid ah lixdan Eedeysane ayaa loo haystay dilka Cawo Qaasim Walanwal oo Xili Habeenimo ah Faash lagu dilay iyadoo ku suganayd afaafka Guri ay ka degenayd Magaalada oo Xaafadda Jig-jiga yar ku yaala.
Mid ka mid ah labadaa Nin ayaa lagu riday xukun dil ah, halka ka kalena lagu xukumay 10 sanadood oo xadhiga.
Afarta kale ayaa iyaguna ku eedeysan dilka Nin Dhalinyaro ah oo laba bilood ka hor Koox dhalinyaro ahi ku dishay xaafadda Sheedaha ee Magaalada hargeysa.
Raga kiiska wiilka dhalinyarada ah ku eedeysan ayaa maanta la bilaabay dacwadooda, isla markaana markii ugu horaysay maxkamadda la horkeenay, sida ay xaqiijiyay Garsoore ka tirsan Maxkamaddu.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saddex maalmood ka hor xukun dil ah ku riday Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka oo qof shicib ah toogasho ku dilay.
Sidoo kale waxa Maxkamadda ka socda sida naloo xaqiijiyay, balse aan wali qaraar laga soo saarin laba qof oo ku eedeysan tuhun la xidhiidha Gabadh isla la bilood ka hor lagu dilay Xaafadda Calaamaddaha.
Labadaa qof oo Gabadh iyo Nin ah ayaa lagu eedeynayaa inay qariyeen Ninkii Xabadda ku dhuftay Gabadha
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com