Faallo ku saabsan is barbardhiga caasimada somaliland Iyo caasimada labaad ee somaliland maxaa u dhaxeeya?
Sidoo kale Berbera ma caasimada labaad baa mise waa 3aad ee somaliland ? Dalka somaliland ayaa waxaa uu qaatay xoriyada 1960 markaas oo uu gumaystihii ingiriiska ka qaatay waxaanu ka mid noqday oo ku biiray dalka Somalia oo uu gomaysan Jiray talyaanigu" Waxaa dhacay dagaal lagu qaaday shacabka reer Somaliland oo ay ku soo qaadeen dawladii Somalia ee uu ka talin jiray kaligii taliyihii siyaad bare waxaanu u gaystay xasuuq burbur dumin dhibaato dil joogta ah Iyo waxaan lagula kicin dad Muslim ah oo waliba bini Aadan ah ".
Markii dawladdii caqliga xumayd ee siyaad bare samaysay Waxa ay doonto una gaysato shacabka reer somailand ee ku noola Gobolada kala ah togdheer ,saaxiil maroodi jeex Saraar awdal sanaag Iyo iwm ah ayaa waxaa ku kacay shacabka reer somaliland Iyo waliba siyaasiyin toodi waxaan lala galay halgan dheer oo qaatay mudo Kuna danbeeyay guul ".
Jabhadiii uu hogaamiyaha ka ahaa madaxwaynaha dalka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee SNM ayaa waxay ku guulaysatay in ay dib u xorayso Dalka Somaliland Iyo shaacabkiisa waxaana xoriyadii la soo noqotay somaliland 1991 .18 .may oo caasimada labaad ee dalka somaliland ee Burco lagaga dhawaaqay gooni isutaag aan noqosho lahayn ",waxaana madaxwayne loo doortay alle ha u naxariiste cabdiraxmaan tuur oo ahaa oo madaxwaynihii ugu horeeyay somalilad, waxaan Isla sanad ka dib lagu qabtay shir kale oo lagu dooranaayo madaxwaynaha somaliland gobolka Awadal Caasimadiisa Boorama oo lagaga dhawaaqay gooni isu Taagii labaad looguna doortay madaxwaynaha rasmiya oo laga dhigay ilahay naxariistii jano ha ka waraabiye Cigaal".
Waxay Somailand soo Marto marxalado kala Duwan waxaa sidoo kale madaxwane ka soo ahaa daahir Riyaale Kaahin mudo 8 Sano ah waxaan hada madaxwane ka ah md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ).
Hadab Ilaa tariikhdaa dheer waxaa dayacnaa oo ka danbeeyay Gobolada kale ee dalka gobolka togdheer gaar ahaan Caasimadiisa Burco oo aan u eekayn Caasimadii labaad ee dalka somaliland una baahan wax yaalo badan oo dawladahii kala danbeeyay ee dalka soo maray Iska indho tiri jireen waxaana ka mida ah inaan Wasaarad qudhu oo sare ku dhex oolin magaalada Burco dhamaan waxii aad dawlada sare Uga baahanto aad u boqolayso Hargeysa Taas oo cadibaad wayn ku haysa dadwaynaha gobolka togdheer Iyo guud ahaanba Bariga Somaluland". Waxaa kale oo ilaa hada ay walina dadka reer Burco is waydiinayaan maxaa caasimada labaad ee dalka ka dhigay bilaa bilic una eekaysiiyay magaaloyin ka yaryar?".
Waxaana xigi doonta tan in dawladaha kale ee qabsada dalka Inay yidhaahdaan Burco uma eeka Caasimadii labaad ee somaliland markaa meel kale ayaan ka dhigaynaa! sidoo kale waxaan walba
Laga Yaaba madaama aan cidina Isku hawlin sidii caasimada labaad ee dalka loo hagaajin lahaa in meel kale laga dhigo Caasimadii labaad"??.
Dhina dawladaha hoose waxaad mooda in aanay Burco nasiib badan u lahayn Inay hesho rag u shaqeeya rag ka shaqaysta mooyaane marka laga reebo mayirkii ugu wax qabada badnaa ee soo Mara Burco oo alle ha daaye ahaa Maxamed xuseen wax badana ka qabatay bilicda magaalada Burco Iyo gobolka togdheer baa". Hadbana hadaan eegno shacabka reer Burco ayaa ah ku aad u dulbadan una soo dul qaatay dawladihii hore ee soo mara Somaliland oo aan ka shaqayn jirin horumarka Iyo bilicda caasimada labaad ee Somaliland waxaana dhici jirtay hadii dawlada hoose wax fiican samayso in laga badalo maayirk waxaanay Burco ahayd magaalada kaliya ee ugu maayir badalka badnayd 20 Sano ee la soo dhaafay".:
Hada isbadal badan ayaa ku yimi dalka Somaliland waxaana ka Muuqata dhinaca horumarka wanaag Lakiin wali gobolka togdheer waxaa uu tabayaa dawladii hore u Marin lahayd gaar ahaan Caasimada labaad ee somaliland Burco". Gobolka togdheer shacabkiisa ilaa Iyo 2000 waxay ku jiraan tahriib Iyo Inay dalka ka haajiraan maxaa keenay ma lays waydiiyay? Caaasimada labaad ee dalka somaliland Burco Wasaarad qudhu Kuma taalo waxaan ka Maqan qaybtii dawlada ee shacabku waa dadaalaya dhinac walba ahaate".;:
Dhinaca qurbaha waxaa ugu badan dadka reer somliland ee ku nool reer togdheer gaar ahaan Burco waxay ka gaystaan dalka somaliland horumar baaxad leh dhibaatada ugu wayn ee haysta malaha madaar ay ka soo degaan waxaana ay ku qaadata 2 cisho Inay Burco tagaan yagoo ka soo dega madaarka kale ee dalka". Hadaba maxaa xukumada hada joogta la gudboon Inay ka qabato gobolka togdheer Iyo balan qaadyadiii ay samaysay oo wali qaar hadhsan yihiin in kasta oo ah lacagtii ka badashay gobolka togdheer oo aan la dafiri karin".:
•In wasaaradaha faraha badan ee Hargeysa laga Wada dhisay badh loo raro Burco si ay caasimada labaad u soo gaadho heerkii loogu talogalay dadkeeduna u helaan shaqo kana raystaan u safrida caasimada dalka marka ay wax yar