Wednesday, December 4, 2013

Tixda Gabayga ah ee GASHI iyo Abwaan Prof. Axmed Yuusuf


Gabaygan loogu wan-qalay GASHI, waxa curiyey maskaxdiisana uu ka soo maaxday Hal-abuurka Da’da yar Prof Axmed Yuusuf Cali 02/12/2013.




Abwaanku waxa uu Gabaygiisa ku hoga-tusaaleynayaa Qiimaha iyo muhiimadda isku-tiirsanaanta iyo ka-shaqaynta danta guud u leedahay dhismaha qaranimada. Hal-abuurku waxa uu Tixdiisan ku ibo-furayaa tilmaamo uu aragtidiisa ku iftiiminayo xaaladda waddanka ee wakhtigan iyo duruufaha saamaynta taban ku reebay dhismaha dawladnimada.




Hal-abuurku waxa uu hoga-tusaaleynayaa sida aanay u habboonayn in nidaamka maamul ee dalka looga faa’idaysan karaamada xilka iyo masuuliyadda umadda loo hayo, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in laga faa’idaysto qiimaha ku duugan midnimada iyo ka-shaqaynta danta Guud.




 




Hal-abuur Axmed Yuusuf Cali, waxa uu Gabaygiisa ku bilaabay sidan:




Gabaygaan Gaawaha U culay, ee Gama’a ii diiday;




Runta Kama Gabbado goortay eegtahay Inaan Gardaadshaa;




Gadda hore Bismilaahi idhi, godol horaantii;




Guuguulaha Dhawaaqii gingimay, Galawga yeedhaaya;




Guduudanaha hanti Ma-gafsadaha, gorof la-meerkiisa;




Gofanaha guntiga gaabsadee, gundhi u heensaystay;




Gor-gorkiyo Gafuur-yuubka ka-daran, godadle Maydhaanka;




 




Is-gamaarintaa kii Yaxaas, Inala Gaadaayo;




Goriilaha Xisbiyada gilgilay, garab hal-dhaalaynta;




Laan-garabta goondhabo bidaha, midhif Gabaarayda;




Garbiyada lammaan Siilaanyadaa, gabi dhaclaynaysa;




Dar la gaadiidsaday mar hore, gocasho reenkooda;




Shinka galay shirwaynaha gayaxan Ufiyo gaydha fooraha;




Goobada Abeesadu fashee soo il-galaclaysay;




Soongurka Maraboobsaday, gadaal gocondha-duubkiisa;




Golihii La Doortoo  Guraca Lagu Gorfaynaayo;




 




Guurtida baryahaaba gama’sanayd, gooli cilinkeeda;




Gar-darrada Is-wada gaadhayee, gacan la siinaayo;




Gulufkiyo Wargaysyada la gigay, mirasho guuraynta;




Gumacyada Kaahin lala beegsadee, Qabile soo gaadhay;




Goolaaftankaa Faysal galabsanee, Lagu giriifaayo;




 




Guul-wadaha Caqligu goofka yahay, ganaf ku-qaadkiisa;




Gabdhihiyo Ooryahaa gorodda Isla galay, gees Ku lalintooda




Maggeydada gantada kii la dayay, godod lameerkiisa;




Go’aa nabadda haddaan lagu ladayn, waa gantaal Culuse;




Gurgur-shaagaan alaabada ku raray, xadhiggiyo goyntiisa;




Guud-caddaaga Qabiilada gandhabay, ee gawska dhaafsaday;




Hawsha guud Kii ka doorbiday, tiisa gaarka ah;




Goortii xaq lagu giijiyee, lagu gulaameeyo;




Gabboodsiga qabiil iyo markuu, soo gujiyo reer;




Oo loo gurxamo good iyo Abguri, gudub la meeraayo;




Oon loo garaad-celinahayn, saw gunnimo maaha.




***                        ***                        ***




Golihii la doortoo guraca lagu gorfaynaayo;




Oon Galdaloolada Dastuurkaba, lagu Gufaynaynin;




Sargooyada Sharciga, jaamihii la galuubaayo;




Oo gomodaha middaad gali tidhaa, ganafsi diidaynin;




Haddaan Intoo loo gurmado, laysna garab taagin;




Oo ganacsatada xeer goobahayn, geeddi-wadareed;




Gaf ninkii sameeyaba, hadaan lagu ganaaxaynin;




Guluf iyo tolaay haddaan, laga Gu’ roonaanin;




Gallad iyo waxaad gaadh lahayd, haw fadhiyin Guul.




***                        ***                        ***




Caqli guuna gashiimada hantida, gabi ahaanteen;




Gaashaan-qaadka xooggiisa garan, Lagu gadaamaynin;




Oon gurasho loo gurin tacab, loo gad baxahaynin;




Gacmahana intoo lays wada qabsado, aan mid loo gu’in;




Oo Gundhig Tawxiidku noqon, Calanka Guudkeenna;




Oon Warshado laysla guulahayn, loo gudboon yahay;




Miyaan Magafaha laga gaadhahayn, dhalinta gaylaantay;




Oon lagala giigayn tahriib, badaha guuxaaya.




***                        ***                        ***




Gabannada geedka yimi midkii, gacanta loo dhiibo;




Galabtaa haddii loo guuriyoo, lana guddoonsiiyo;




Galbis iyo mashxarad iyo haddii, gibilladu maashayso;




Oo guudlaydu heesaha qurxoon, gaafka ku caweyso;




Gurigii markuu gudaha soo galuu, gurada doonyaysto;




Gashigii HadDuu gudi waayo, oo wejiga soo giiro;




Hadduu ugu gabbood-falo Iskii, oo guntada taaga;




Aamminaad gankeedii tahoo, cidi ku goyn mayso;




Oo geddii abaal-xooradii galbaday, Uu gadhka u sooho;




Inuu Libin ku gooshaa arliga, waa gar loo Noqon.




***                        ***                        ***




Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan ku soo gaabshay;




Galbeed iyo Jiiddaa Bari, guban Ilaa Oogo;




Hadba Geestii la rabo iyo gooddigii Mudan;




Gunnada iyo Kabkaba gobolkii helaa waa Geyiga Uune;




Guubaabo iyo in loo hagar-baxaa, way gudboon tahaye;




Raad-gadasho meesheed Iyo mulaca goohiisu;




Garaafada shacbigu hooyaay, maggayo gubadyo qiiqaaya.




 




 




 




DHAMMAAD




 




 




 




Prof Axmed Yuusuf Cali




 




Axmed-fm@hotmail.com




 




Hargeysa, Somaliland