Friday, December 13, 2013

Awdal: Bulshada oo ku kala qaybsan qorshaha M/weyneyaashii A. State isugu soo dhiibeen S/land


“Bisha soo socota ayaa la hadal hayaa in Awdal State madaxweyne iyo ku-xigeen cusub doorato”Reer Awdal oo Isha ku haya Imaanshiyaha Kooxdan oo lagu eedeynayo inay fashilmeen. dhegeyso Warbixin




 







Boorama(GNA)-Wada hadalo in muddo ah u socday xukuumadda s/land iyo maamulka Awdal state ayaa midhihii kasoo baxay waxay noqdeen in xukuumadda s/land hanato madaxweynihii Awdal state iyo xubno kale oo maamulkaasi ku jiray.




Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayer oo dhinaca xukuumadda ka socday isla markaasna kula xaajoonayay xubnahan  magaalada Dubai ayaa ku guulaystay in Rashiid Aw-nuur Xirsi oo ah madaxweynihii Awdal state iyo xubno ka tirsan maamulka Awdal state keeno magaalada Hargaysa ee xarunta S/land.




Inkastoo xubnihii salka u ahaa maamulka Awdal state ee ku sugan qurbuhu sheegeen in madaxweynihii hore  ee Awdal state Rashiid Awnuur iyo xubnaha la socda ay xilka kaqaadeen isla markaasina aynan matalin maamulka Awdal state ayaa hadana waxa socda qorshe kale oo bishan dabayaaqadeeda lagu dooranayo madaxweyne iyo ku xigeen cusub oo matala maamulka Awdal state.




Shacabka ku nool magaalada Borama qaarkood ayaa qaba in xubnaha hadda ku sugan magaalada Hargaysa yihiin xubno xil doon ah oo rajaynaya in xukuumadda s/land dhawaan u magacawdo xilal cusub,halka dadka qaarkiina aamin san yihiin  inay xukuumaddu aqoonsatay maamulka qurbe joogga ah ee Awdal state lagana yaabo inay arintani dhiiri galin hor leh u furto maamulka Awdal state.




 



Nin siyaasi ah oo falanqeeya siyaasadda Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Gobanimonews u sheegay  “Arinta cajiibka ah waxay tahay s/land oo markii hore iska indho tiri jirtay maamulka Awdal state ayaa noqotay xaabada lagu hurinayo horumarka iyo dhaqdhaqaaqa Awdal state,waxa kale oo intaasi dheer xubnaha hadda ku sugan Hargaysa oo la sheegayo inay Borama kusoo socdaan ayaa iyadana laga cabsi qabaa inay abuurto qalaase iyo iska hor imaad ka dhex qarxa taageerayaasha Qarsoon ee Awdal state iyo shacabka taageersan nabadda iyo jiritaanka s/land,wixii dhib ah ee ay aritaasi sababtana waxa ka mas’uul ah xukuumadda,”ayuu yidhi.




 



Markaad tagto Meelaha lagu qaxweeyo ee ku yaalla magaalada Borama, waxa markiiba dhegahaaga ku soo dhacaya hadal haynta iyo afkaarka kala duwan ee fadhi ku dirirku kaga falanqoonayaan imaantinka  xubnoka tirsanaa maamulka Awdal State.




Nin magiciisa ku soo koobay Cali ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland wada hadal la gashay shakhsiyaad gaar ah oo aan matalin maamulka Awdal state marka haddii xubnihii kale ee  Awdal state sheegeen inay xilkii ka qaadeen xubnaha hadda ku sugan Hargaysa arintaasi tahay sharaf xumo usoo hoyatay xukuumadda Siilaanyo.




Siyaasi taageera xusbiga talada dalka haya ee kulmiye ayaa sheegay in arinta tahay mid lagu farxo. wuxuuna yidhi,” siyaasadda xisbiga kulmiye iyo madaxweynaha hadda talada haya ayay sharaf u tahay in madaxweynaha Awdal state iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi baddalaan fikirkoodii hore oo ay s/land qaddiyadeeda  is garabtaagaan ,mana aha markii ugu horay ee ay xukuumaddu maamulkan oo kale la heshiiso , waa la ogaa sidii xukuumaddu usoo dhawaysay hoggaamiyihii ssc oo hadda ah wasiirka caafimaadka”ayuu Gobanimonews u sheegay.




Garyaqaan Axmed dhaga caleen oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa isna dhankiisa sheegay inay arintani tahay mid aan wax saamayn ah ku yeelan doonin maamulka Awdal State.




Waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland  magac doonaynayso inay heshiis la gashay maamulkan.




waxa kale oo uu intaasi ku daray oo uu yidhi,” madaxweynihii hore ee Awdal state ee hadda ku sugan Hargaysa waa shakhsigii ugu waxqabadka xumaa intii uu xilka hayay oo waxa uu muddadii uu xilka hayay ku mashquulay xaflado iyo wax aan macno buuxa samaynayn,imaatinkiisuna macno buuran ma samaynayo haddii uu madaxweyne yahay waxa la xaajoon lahaa oo wada hadalkan ka qaybqaadan lahaa madaxweyne Siilaanyo, sidii xagala toosiye oo kale ,dhinaca kale haddii laga eegana waa siyaasad beesha uu madaxweynihii hore ee Awdal ee kusugan Hargaysa xilal iyo jagooyin hor leh kaga doonayso xukuumadda s/land.”




Iskusoo wada duuboo arintan ayaa ah mid si gaar ah isha loogu hayo,waxaana  si weyn loo hadal hadal hayaa in madaxweynihii hore ee Awdal state loo magacaabi doono wasiir ama xilka kale oo muhiim ah sida uu qabo Diiriye Cilmi oo ka mid ah dhalinyarta ku nool magalaada Borama.




Diiriye oo la hadlay Gobanimonews,  waxa kale oo uu sheegay in haddii wasiir loo magacaaabo madaxweynihii hore ee Awdal lagu beddeli doono wasiirka shaqada iyo arimaha Bulsha oo ay isku beel yihiin waa sida uu isagu aamin san yahaye.




Dareen celinta Bulshada Reer Awdal, ayaa imanaysa Maalin ka dib markii ay siyaasiyiintan oo soo gaadhay Hargeysa, ay si cad ugu dhawaaqeen inat Toobad keeneen,




Taasoo Somaliland wasiirro u hadlayna ajiibeen,kuna tilmaameen Guul siyaasaddeed "Halkan waxaanu ku soo dhaweynaynaa Madaxweynihii hore ee Awdal State iyo xubnaha la socda oo ku soo guryo noqday dalkii ay rasmiga u lahaayeen"ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Weftiga soo dhaweeyay.




Dood iyo dareeno kala duwan ayaa sidoo kale laga bixinaya qorshaha ragani isku soo dhiibeen iyo qaabka ay ula macaamishay somaliland, waxaanay u muuqataa arrin Mucaaridka dalka farxad iyo murugo ugu leh, laakiinse nusqaanteeda tusaale looga soo qaadan karo Aqoonsiga Xukuumadda Siilaanyo siisay Maamulka ay mudada dheer Inkiraysay.




Halkan ka dhegeyso Dhawaaqa Hogaankii hore ee Awdal Stafe ku shaaciyay mawqifkooda:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Dhegeyso.mp3"][/audio]




Gobanimonews




Boorama Office




Email: editor@gobanimonews.com