Wednesday, December 18, 2013

JAAMAC CIIROOY HAYSO INAMDAYADA INTAAD HAYSAN KARTO ADIGA IYO MI5TU


Waxaa mahad oo dhan iska leh ilaahay marlabaad waxaan salaaamyaa bahada saxaafada kuwaas oo had iyo goor usooo gudbiya dadkooda xaqiiqooyinka ka jira dalkooda iyo duruufaha ku gadaaman hadaan usoo daadago dulucda maqaalkaygan oo ka hadalaya cadaalad darada xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud taasoo maraysa abid halkii ugu xumayd waxaa 10bilood ku xidhan jeelka magaalada Hargeisa Afar sarkaal oo ka tirsan saraakiisha Hayada sirdoonka somaliland kuwaas oo u xidhan ninka la yidhaahdo Jaamac Cirro kaasoo ku magaacban taliyaha sirdoonka ilaa iyo haatana aan la garanayn sababta ay ugu xidhanyihiin ninkaas inamadayadu amaba uu u haysto taasoo uu marayo hada inuu bilaabo inuu maalin walba shiriyo dhalinyartii ay isku shaqada ahaayeen inamadaas xidhan oo uu leeyahay markhaati beena ku fura hadii kale iyagaan idinku badalayaa waxaan leeyahay Jaamac cirro waar nin wayn baad tahay ee ka fiirso waxaa sumcad xumada kuu keenaya oo inamdaas xoriyadooda usoo celi ilayn dadku dad bay leeyhiine waxaan ku leeyahay Jaamac cirrooy waxba gaal ilaahay nacay ha gargaarin hana u noqon daba dhilif waxaan kuu sheegayaa inanyna dalka gaalo lahayn ee uu ilaahay dad ku beeray islaama xoriyadna haysta kuna noolaan doonaan abid ee waxba inamdayada Gaalo hakaga doonin mashruuc kolay dulmigu ma raago waxaanan kuu sheegayaa inay inkaarta Hooyada kaligeed dhashay wiilka ka mida afarta sarkaal ee kuu xidhan ee xaafada October cuntada kala soo lugaysa ay kugu dhacayso hooyadaas oo tabaalaysan waxaan leeyahay jaamac cirro waar waxaad hayso ee aad dhoodhoobayso keen maxkamada anuu ma qabo inay dhalinyartaasi markhaati beenaale kuu galayaane Jaamac cirro dhalinyartaas xadhigooda wuu ku ceeboobay wuxuuna wadaa Nin qoyani biyo iskama dhawro waxaan baaq u dirayaa Madaxwaynaha dalka waxaan leeyahay umada ka qabo ninkan aad xilka aanu qaadi Karin dusha u saartay Mudane madaxwayne waxaad ahayd nin cadaalad darada marwalba ka hadla laakiin ma garanayo waxaa is badalay Madaxwayne waxaad ogaataa in ilaahay kaala xisaabtamayo dulmiga muwaadinka ee uu ka gallo kaad xilka u dhiibataa markaa waxaan leeyahay Mudane Madaxwayne arinkaas hoos u eeg in badana warbahinta waanu kuusoo marinay ilaa iyo hada waxaad ka qabatay ma jiraan waxaan kaloon baaq kaa la mida u dirayaa bahda cadaalada somaliland bahda garsoorka iyo waliba haydaha xuquuqal iinsaanka oo aaan leeyahay waar bal arinkaas hoos halooo eego ilayn dadkani xuquuq ayay leeyihiine oo uu siiyay ilaahay iyo dastuurka somalilanba Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay Jaamac cirro ha u qaadan inaad halkan kusii nagaanayso xilkuna waa meerto barina waxaa laga yaabaa inaan kulano adoo intan ka itaal yare ee si qaldan ha u adeegsan darajada uu ku siiyay sharcigu hana eegin kaliya lacagta ay ku siiyaan Gaalada Mi5tu




 




Qore .Nasir Daahir Jamac




Hargeisa .Somaliland




Email : N_naciim@hotmail.com