Wednesday, December 18, 2013

Cali Caydiid: Annaga wuu noo muuqdaa gacan ku dhiiglihii Walaalkay dillay”.


Hargeysa(GNA)Cali Caydiid Bootaan oo ay walaalo yihiin Taliyhii Sirdoonka Gobolka saraar Marxuum Axmed Caydiid Bootaan ee dhawaan dablaydu ku dileen Magaalada Caynaba  ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Burco waxa uu ku sheegay inaanu walaalkii cid shicib ah Gorgortan kala galay dilkii loo geystay.




Axmed ayaa sidoo kale dawlada ku dhaliilay inay  soo qaban wayday nimankii falkaas gaystay oo sida uu sheegay ku sugan Deegaanka caynaba oo aanay dawladu waxba ka qaban.




Hadalka Ninkan ay walaala yiihiin Axmed Bootaan, ayaa ku soo beegmaya xili Magaalada Caynabada ay ka socdaan dhaqdhaqaaq la doonayo in hab dhaqan lagu xaliyo Dilka Sarkaalkaasi, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen odayaal dhaqameed ka soo jeeda Gobolka saraar oo arrinta la socdaa.




“Anigoo Cali Caydiid Bootan oo ah taliyahii Sirdoonka Gobolka Saraar Axmed Caydiid ee lagu Dilay Magaalada Caynaba,kaas oo shaqo Muhiim ah u hayay qaranka waliba dhinaca amniga,sidaas awgeed dawladu waxay nagu tidhi na suga oo nabadgelyadana suga,waxaan cadaynayaa inaanu sidii dawlada u sugayno oo aanaan wax dhibaato ah aanaan ku keenin,dawladuna wax danbe naguma soo celin oo wax war ah oo ay na siisay ma jirto,dawlada markaas waxaanu ka codsanaynaa arintii Axmed inay nooga soo jawaabto meeshay dhigtay jawaab cad hanaga siiso,ta labaad cid aanu kala gorgortamayno ama aanu kala hadlaynaa  oo aan dawlada ahayni ma jirto,qaran ahaan iyo qudh ahaan iyo qoys ahaanba sidii naloo yidhi Cali barre hana sugo ayaanu wali ku sugaynaa,hadana waxay maraysaa Sideed Bilood,walibna nimankii dhibta gaystay ee Taliyaha dilay ee gacan ku dhiiglayaasha ahaana waxay joogaan soona caynaba oo hada ku suganyihiin,kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa maamulka haysta,talaabona lagama qaadin ee way ku dalceen.waxaanu leenahay kuwaas wax haka qabato dawladu Hadii ay dawladu wax ka qaban waydona hana fasaxdo,Mana dhacayso in aanu walaalkay mag ka qaadano cidna Gorgortan kala galo,anaga wuu noo muuqdaa gacanku dhiiglihii”ayuu yidhi  Cali caydiid.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com