Wednesday, December 4, 2013

Dr. C/wali Gaas: Faroole hadaanu nala tashan talaabaanu qaadaynaa”.


Musharax Gaas oo Gaalkacayo ilaa Garoowe Kormeer ku soo maray iyo Sawirro 




 







Garoowe(GNA)-Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Saakay ka soo Kicitamay Magaalada Galkacyo ayaa Socod ku Maray Deegano badan oo u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Burtinle Halkaso ay ku dhaqanyihiin Bulsho badan Balse aysan ku leexan Madaxda xiliyada ay socdalada Sameyaan.




Musharax Gaas intii uusan ka soo bixin Gaalkacyo wuxuu la hadlay Qaybaha Warbaahinta wuxuuna u sheegay in uu Safar dheer Galayo isla Markaana Gobalo badan Magalooyin iyo Degmooyinba uu gaari doono ilaa Gobalka Bari Cirifka ugu dambeeya si uu u soo arko Xaladaha ay ku dhaqanyihiin Bulsha waynta Puntland.




Deeganadii Sida weyn loogu soo dhoweyey Musharax Cabdweli Gaas waxaa kamid ah Degmooyinka Bacaadweyn, Xarfo Tuulada faratooyada iyo Burtinle oo uu Caawa ku suganyahay.




Dadweyne aad u Fara badan ayaa Musharaxa ku soo dhoweysay Magaalada Burtinle ee Gobalka Nugaal kuwaaso duledka Magaalada kaga hortagay ilaa Caawana hor Tuban Guriga uu ka Degganyahay Burtinle iyagoo ugu Baaqaya Isbedel Kheyr qaba.




Deeganadii uu Booqday Maanta wuxuu marayay Goobaha Waxbarashada, Cuqaasha, Culimada iyo Dadweynaha, Wuxu ka hadlay Isbedelka uu Dalka galayo isagoo uga Mahadceliyay sida ay dadku ugu Bararugsanyihiin Isbedel, uguna Baahanyihiin.




Musharax Gaas ayaa u istaagayay intii uu socdaalka ku jiray Dadka xoola dhaqatada ah ee Qaarkood ka fog laamiga si uu u ogaado Xaladahooda Nolaleed iyo Mida Xoolaha ay dhaqanayaan.




Wuxuu ka Hadlay musharaxa intii uu Socdaalka ku jiray Guddiga uu Maanta soo Magacabay Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Nidaamka loo maray uu yahay qaab qaldan oo aan dan u ahayn doorasho xalal iyo Cadaalad ah oo dhacda isla markana Kalsooni lagu qabi karo.




."Faroole haddi usan kala tashan Musharxinta, Isimada iyo Dadka ay Khusaysay waxan qadayna talabo kale, kama Hadleyno dadka la Magacabay Shaqsiyadooda laakin waxan ka hadlayna Nidaamka la mariyay Guddigan uu Magacabay waa mid aan loo Marin Nidaamki Saxda ahaa".ayuu yiri Musharax Gaas intii uu socdaalka ku jiray.




Musharax Gaas ayaa la filaya in Malinimada Berri ah uu Gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka hor inta uusan Socdaal ku kala Bixin Deegano kale oo hor leh. 




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com