Burco(GNA)Naafada Gobolka Togdheer ayaa dawlada ku eedeyay inaanay waxba u qaban iyadoo maanta si wayn u xusay Maalinta Naafada Aduunka oo ku beegan 3 Bisha Dec,waxaanay maanta xaflad ay soo Abaabuleen Ururka Naafada Gobolka Togdheer lagu qabtakay Magaalada Burco taas oo ay kasoo qaybgaleen Qaar ka mid ah Madaxda Gobolka,Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Naafada iyo waliba Qaybaha Bulshada,waxaana Manta xuskan maanta ee 3 Dec ku soo Beegmay xili ay Naafada Gobolkan ay ku Xeerantahay duruufo fara badan,sidoo kale Naafada Gobolka Togdheer waxay dawlada ku dhaliileen wax qabad la,aanta iyo inaanay helin wax adeeg ah dadka Naafada ahi.
Xoghayaha Dawlada hoose ee Burco ayaa isagu horayn halkaas ka hadlay''waxaanu yidhi''aad iyo aad baan u soo dhawaynaynaa maalintan oo caalamka oo dhan laga xusayo,waanan la qabnaa dareenkooda naafada meel kasta oo ay joogaan waan barabar istaagi doonaa waan ognahay inay dad nala mid ah yihiin.
Gudoomiyaha Ururka naafada Gobolka Togdheer Baashe oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi''Dadka naafada ah dibaato Badan baa haysata haday tahay xaga wax barashada,dhismayaasha iyo xaga siyaasada intaba hudheel baala dhisayaa,Guri baa la dhisayaa oo uu kiraysanayaa meel uu ka galo ma haysto qofkii naafada ahaa oo fooqyadaa meel ale meel uu ka koro ma haysto.meelkasta oo la sameeyo way ka maqantahay xuquuqdii naafadu dad caadi ah ayaa loogu talo galay.
Afhayeenka Ururka Naafada Gobolka Togdheer Cawil Yuusuf Ibraahin ayaa aad uga dayriyay Xalada Naafada ee Gobolka Togdheer,waxaanu ku dheeraaday sida ay u dayacday Xukuumada Somaliland,waxaanu yidhi''Dawlada Somaliland ee maanta jirtaa waa taanu safafka dhaadheer u galay Doorashooyinkeeda iyo dastuurkaba anagu markaa shuruudihii nalagu lahaa waanu gudanay,hadana Balanqaadkii ay dawladu lahayd waxbaanu u qabanaynaa naafada waxba kama jiraan,Sadexda Gole ee somaliland u arimisa waa Fulinta oo madaxtooyada ah,waa garsoorka oo Maxkamadaha ah iyo Golayaasha baaralamaanka,sadexda Goleba way dayaceen Naafadan Gobolkan Togdheer,ma waxay odhan doonaan dhaqaale ma hayno,sawkuwan dhaqaalaha,Bunt Land iyo Xamarba ugu deeqaya,Meesha waxaan oolin daacadnimo,waxaan leeyahay hadaanu nahay Naafada wax tar wayn baanu Bulshada iyo dalkaba u leenahay,laakiin dawladu waxaas oo dhan dan kama laha,hadii aanu nahay naafada Gobolkan waxaanu baaq u diraynaa dunida oo dhan iyo Bulshada inteeda wax garanaysa waxaanu leenahay ma hayno,dawlad aanu isku halayno.
waxaan kusoo gunaanadayaa oo aan leeyahay taariikhdu qorimayso ilaahay qarin maayo ninka qadiya naafada risiq ay lahaayeen ugu deeqa qolo kale oo xamar iyo buntland ah.
Xildhibaan Rashiid,Xildhibaan Kayse Cabdi,Mustafe qalab ayaa iyana damaantood Bulshada iyo Xukuumadaba ugu baaqay inay wax la qabtaan dadka naafada ah.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office