Thursday, December 19, 2013

Dooda Qaran Maaha Dab iyo Rasaas


Waxa la yidhi (ninka isha daba dadkaa arka,ninka uurka dabana allaah  ayaa arka).Markaa dooda qaran ee ay qaban-qaabinayaan 2da xisbi mucaarid maxay dawladu uga sastay ee ay garan la’adahay.Qaranka waa loo wada shaqeeyaa,nabada iyo xasiloonida waynu wada ilaashanaynaa oo muwaadin walba masuuliyad ayaa ka saaran.




Dawladan uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed-siiraanyo haday maamulka dalka masuul ka tahay,lana yidhi waxaad samayseen qaladaad qaran ee aynu isla toosino maxay ka diday.Ma xisbiyada qaran ee mucaaridka ah ayay u aragtay NGO’s si dadban ugu socda kursiga madaxweynaha mise waxay u aragtaa cadaw qaran.Waa yaabe ma waxay gaadhay dawladan murdiso inay tidhaa qaranku waa annaga uun.




Maanta se haday ka soo laabatay saskii oo ay ogolaatay bal inay dhegaysato dhawaaqa badi shacabka, aqoon-yahanka,badi madax-dhaqameedka iyo soo jeedinta 2da xisbi qaran ee mucaaridku u bixiyeen Dood qaran.Waa mahad alle mar haday miyirsatay oo laga wada hadlo waxa inaga leexsan ama lays waydiiyo waxa qaran ahaan hayska innaga yeeshay.Waa jidkii aynu ku soo caano maalay ee ahaa ismaqal,isu-tanaasul iyo wada-tashi.Waanay wanaagsantahay Dooda Qaran inay daadahiyaan akadhamiyadu.




Waxan ku soo afjarayaa Madaxweyne Axmed-siiraanyow dooda qaran maaha dab iyo rasaas ee waa danta dalka,waana xoojinta midnimada,wada shaqaynta iyo kala danbaynta oo aynu isla toosino.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL