Thursday, December 5, 2013

Madaxweyne ku-xigeenka USA oo isagga dabqaadaya Shiinaha iyo Xulafadiisa


Bejienh(GNA)Dawladda Maraykanka ayaa dedaal ugu jirta sidii ay u wanaajin lahayd xidhiidhka ka dhexeeya Dawladdaha Japan, Korea iyo Shiinaha, todobaadyo ka dib cabsi laga qabay in dagaal ka dhex qarxo xulafo dhinac ka wada ah dalka Shiinaha oo Maraykanku ka mid yahay.




Dawladdaha Japan, Kuuriya iyo Maraykanka ayaa todobaadkii hore Ciidamo xad dhaafa soo dhoobay xuduudka u dhexeeya Shiinaha iyo japan ee dhaca Badweynyta Asia pacif, halkaasoo ay dhoolatus ka sameeyeen.




Shiinaha ayaa heegan Milateri oo dhanka cirka ah kaga jawaabay talaabadaasi, waxaanu cutubyo ka tirsan ciidamadiisa geeyay jiida, taasoo sababtay cabsi laga qabay inay isku dhacaan ciidamada halkaasi la soo dhoobay.




Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka ayaa maalintii shanaad ku guddo jira socdaal uu ku marayo dalalka Japan iyo Korea-da Koonfureed oo ay xulafo dhow yihiin iyo Shiinaha ee dhaqaalaha aduunka saameynta badan ku yeeshay.




Joe Biden, ayaa la kulmay madaxda sar sare see dalalka uu socdaalka ku maray, waxaanu kala hadlay sida lagu sheegay war ka soo baxay aqalka sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka saaxiibtimo iyo iskaashiga dhaqaale iyo kan siyaasadeed eek a dhexeeya.




Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka ayaa booqday Arbacadii shalay Magaalada Beijing ee Caasimada Shiinaha, waxaanu halkaasi kaga qayb galay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay.




Waxa dhinaca kale la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kaasoo ay isla soo qaadeen sidii xidhiidh wanaagsani ugu furmi lahaa labada dal,isagana kaashan lahaayeen dhaqaalaha amaanka iyo diblomaasiyadda.




Warka laga soo saaray aqalka cad ee maraykanka, laguma soo qaadin in labada dhinac ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Milateriga oo loolan xoogani ka taaganyahay, balse warku wuxuu intaasi ku daray in mar kale Mr Biden uu maalinta khamiista ee Berri ku sii jeedo dalkaasi.




Waxa uu casuumad ka helay madaxweynaha dalka Shiinaha, waxaanu u sii dhaafi doonaa Dalka Korea.




Shiinaha ayaa culays dhanka dhaqaalaha ah  ku haya dalalka reer Galbeedka siiba xulafada Maraykanka, taasoo ku khasbaysa inay macaamil dhow la yeeshaan Jamhuuriyadda Shiinaha.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com