Wednesday, December 4, 2013

Ceel-waaq: 3 Qof ayaa lagu dilay qaraxyo Mataano ah


Ceel-waaq(GNA)-Inta la xaqiijiyay saddex qof oo lab aka mid ahi askar yihiin ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba qarax oo dhacay Maqaayad ku taala Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Geddo gelinkii dambe Salaasadda Maanta.




Qaraxyada oo ahaa nooca Miinada Dhulka lagu aasyo ayaa ka dhacay Maqaayad kutaala Suuqa Degmada Ceel-Waaq halkaas oo la tilmaamay xiliga qaraxyada ka dhacayeen ay kusugnaayeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.




 




Mid kamid ah Qaraxyada Miino ayaa dhulka lagu aasay halka midka kalana la saaray meel aan ka fogeyn maqaayada sida ay ku warameen Saraakiil katirsan Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo.




 




Waxa lagu waramay inay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi ilaa toban qof oo kale.




Isgaarsiinta Degmada Ceel-Waaq ayaa hawada laga saaray, Ciidamada amaanka ayaana wada howlgalo lagu baarayo Kooxihii ka dambeeyay weerarka Miino ee maanta ka dhacay Degmada Ceel-Waaq.




Gobanimonews




Muqdisho Office