Boorama(GNA)-Shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta ururka Ardaa ee ka hawlgala gobolka Awdal ku qabteen Hotelka Haldoor ee magaala Borama,ayaa ujeedadiisu ahaa sidii ay u shaacin lahaayeen cagaf sheewal ah oo ay kusoo deeqeen jaaliyadda kasoo jeedda Gobolada Awdal, salal iyo gabilay ee ku nool dalka Sweden.
Shirkan jaar’id oo ay hor kacayeen culumaa’udiin,aqoon yahan iyo haween ayaa waxa ugu horay ka hadlay sh.xasan Deheeye Axmed oo ka xog waramay sidii ay cagaftani usoo gaadhay,wuxuuna sheegay sheekhu in kharashka ku baxay cagaftani dhanyahay 83 kun oo dollarka maraykanka ah,waxa kale oo uu intaasi ku daray inay isla maanta soo gaadhay lacag kale oo qaddarkeedu dhan yahay 50kun oo riyaalka sucuudiga ah oo ay soo deeqeen jaaliyadda sucuudiga, isagoo dhanka kalena ku booriyay qurbe joogta ku nool woqooyinga America in looga fadhiyo doorka ay kaqaadanayaan dhismaha dekedda lughaye ee gobolka Awdal oo dhawaan la bilaabayo.
Masuuliyiinta ururka oo wada qorshe lagu dhisayo dekedda degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa dhanka kale shirkan karaa’id ku sheegay in dhismaha dekedda lughaya u baahan yahay qalab kale oo ay ka mid yihiin booyado,baabuurta qaadda ciidda ee loo yaqaano iska rogotooyinka iyo cagafyo kale sida uu marka sheegay sh.xasan Deheeye Axmed.
Sh. Maxamed Daahir Dhawal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay jaaliyadaha Sweden iyo Sucuudiga ee gobolada Awdal iyo Salal & Gabilay, waxana uu sheegay inay la socdaan dadaal hiil iyo hooba leh oo ay ku barbarjoogaan dhismaha dekeda Lughaya, Sh. Maxamed oo la dardaarmaya Jaaliyadahaas waxa uu yidhi “Dhamaan Jaaliyahada waxa aan u sheegayaa in loo baahan yahay in la isku daydo oo dadaalka la kordhiyo, hadii ay qaybo cagaf keeneen, qaybaha kale waa inay keenaan agabkii kala duwanaa ee ay ku dhaqaaqi lahayd dekeda dhismaheedu, waan idiin ducaynaynaa, waanan idinku kalsoonahay, waanan idinka sugaynaa taageero intan ka balaadhan oo ay dekedu u baahan tahay”.
Marka laga yimaaddo kharashka , cagaftan ayaa ah nuuca ugu qaalisan ee dalka laga isticmaalo,waxa kale oo intaasi u dheer in cagaftani aynan u baahan doonin dacaytir muddo afar sanno ah sida uu sheegay Eng. Bilaal oo isaguna ka mid ah gudida ARDAA waxa kale oo uu Engineerku yidhi, “ way cusub tahay waxaanan u dooranay iyada oo hawsha aan ku qabanayno ka soo baxaysa, lamarkeeduna waa LW500K, waana mida ugu way nee dalka laga isticmaalo, baahiwayn oo ay dekedu qabto ayayna dabooshay, waanan u mahadnaqayaa dhamaan walaalaha soo bixiyay, waxana aan leeyahay, hawsha aan qabanaynaa waa middii ay dawladuhu qaban lahaayeen, hamiga aan hayno ee aadka u wayn ayaase u dhigma taas”
Marwo Aamina Cilmi Fariid,Hooyo Sacaada Nuur Geedi iyo haweenay kale oo qurbojoog ah oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa dhiiri galiyay dhamaan qurbojooga goboladan Awdal ,Salal iyo Gabilay, waxana ay ku amaaneen deeqdan hordhaca ah ee ay soo direen taasi oo ay sheegeen in lagu qori doono magac aan duugoobi doonin oo ah SWEDEN, sidoo kale waxa ay ka codsadeen jaaliyadaha kale ee goboladan ee ku nool dunida dacaladeeda inay is kaashadaan oo ay is guubaabiyaan oo ay deeqo tan la mid ah soo yaboohaan si loo qabyo tiro dhismaha dekeda Lughaya iyo kaabayaasha kale ee hormarinta ee u baahan wax ka qabashada .
Marka laga yimaaddo Hay’adda ASARDA Ururkan ARDAA ayaa noqonay ururkii labaad ee si firfircoon uga hawlgala gobolka Awdal,hadafka ugu horeeya ee ururkan leeyahay ayaa ah inuu dhiso dekedda degmada lug haya ee Gobolka Awdal,halka Hay’adda ASARDA dhankeeda ka shaqaynayso horumarinta waddooyinka Gobolada Awdal iyo Salal,lakin waxa la odhan karaa waa labo hay’adood oo kala madaxbanaan oo isku hadaf ah,wolow xukuumaddii ka qayb qaadan lahayd hawlahan ku mashquulsan tahay wadada u dhaxaysa Burco iyo Ceerigaabo oo dhismaheedu socod doono muddo sannado ah sida uu wasiirka madaxtooyadu sheegay.Arintaasi oo dadka qaarkii ku macneeyeen in saddexda sanno ee xukuumadda u hadhay miisaaniyadda ugu badan ku bixidoonta wadada udhaxaysa Burco iyo ceerigaabo iyadoo wadooyinkii hore ee dalka laga dhisayay weli qabyo yihiin.
Mursal Elmi
Borama