Sunday, December 15, 2013

Fadal iyo Abokor oo la tacaalaya Daminta Xiisad ka oogan Daami


Hargeysa(GNA)-Isku dhac dhex maray Ciidanka amniga iyo Kooxo dhalinyaro iyo dad waaweyn isugu jira oo ka soo jeedda Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa ayaa sababay khasaare soo gaadhay askar bilays ah iyo dad shacab ah.




Dadweynaha xaafadda Daami oo ka gadoodsan Gabadh Xaafadaasi lagu dilay todobaad ka hor oo cid dishay aan la garayn, balse warar iskhilaafsan oo soo baxay ay sheegayaan inay u dhimatay Nabar ka soo gaadhay dhalinyaro koox-koox isu shiidaysa, ayaa habeenkii labaad rabshado ka sameeyay xaafadaasi, waxaanay isku dhaceen ciidanka Bilayska.




Ciidanka Bilayska ayaa Habeen hore dadkaasi ku kala kaxeeyay Rasaas ay cirka ugu ridayeen, balse waxa la sheegay in askari bilays ah dhaawac halis ahi ka soo gaadhay, dad kale oo shicib ahna waxyeelo soo gaadhay.




Wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Taliyaha ciidanka Bilayska Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa la sheegay inay xalay la kulmeen Odayaasha Xaafadda Daami kuwaasoo ay waydiisteen inay rabshada ka joojiyaan dadweynaha Xaafadda.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay kulanka dhex maray Madaxdhaqameedka Reer Daami iyo Xubnaha dawladda ka socday, balse sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo kulankaasi ku dhadhow labada dhinac ayaa gaadhay isfaham aan miisaan ahaan la ogayn inta uu ku kooban yahay.




Dadka Xaafadda ayaa dalbanaya in sharciga la horkeeno cidii ka dambeysay dilka Gabadha la dilay oo dhaawac ugu dhimatay Cisbitaalka Hargeysa, laakiinse dawladdu waxay u muuqataa inaanay ilaa hada cid Falkaasi ku cadyahay gacanta ku haynin, taasoo ah arrinta ka cadheysiisay dadweynaha Xaafadda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com