Thursday, April 10, 2014

Xaglo-toosiye oo Safar uu faro-gelinta Puntland ee Sool kaga indho-qarsanayo Nairobi ku tegay


Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Dhagax dhigay dib u dhis lagu samaynayo Laamiga isku xidha Garoowe iyo Laascaanood, deegaan xuduudka ah"




Maxaa ka jira in Xidhiidh siyaasaddeed u dhexeeya labada Siyaasi ee ku kala jira labada maamul ee xuduudka isku haya?




XAGLO TOOSIYEHargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa socdaal qarsoodiya oo aanay ujeeddadiisu caddeyn ku tegay Dalka Kenya  Caasimaddiisa Nairobi.




Wasiir Saleeban Ciise Axmed Kaar, ayaa gelinkii hore ee saaka ka dhoofay Madaarka Diyaaraha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo aanay jirin cid warbaahin oo uu kula kulmay.




 Socdaalkiisa ayaanay xukuumadda badankeeddu wax war ah ka haynin, isla markaana aanu ogaysiin Wasaaradda arrimaha dibadda oo dhawaan Wasiirrada xukuumadda ka dalbatay inay la socodsiiyaan safarrada ay ugu baxayaan dibadda,iyadoo la amray inaanu bixin Karin wasiir aan safarkiisa laga ogayn Xafiiska Khaarajiga.




Ma cadda in socdaalka wasiirku uu yahay mid shakhsi ah oo uu dano khaasa ugu baxay iyo inuu hawlo shaqo oo wasaaraddiisa la xidhiidha u tegay Nairobi, hase ahaatee waxa halkaasi kaga sii horeeya Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka oo Tababar la xidhiidha qorsheynta Mashaariicda halkaasi ku soo qaadanaya.




Wasiirka ayaa safarkan baxay iyadoo ay wasaaradda ka maqan yihiin Wasiir ku-xigeenkiisa oo Fasax ku bil ah qaadatay iyo Agaasimaha Guud Nairobi jira, taasoo noqonaysa inay dhamaan masuuliyiintii Madaxweynuhu u igmaday maamulka Wasaaraddu hal mar xafiisyaddoodii ka maqan yihiin.




Sidaasooy ay tahay dareenno kala duwan ayaa laga qabaa socdaalka Wasiirka, waxaana ka  mid ah shaki laga qabo inuu kaga waji qarsanayo dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo Bariga Sool ka soo kordhay, ka dib markii Madaxweyne ku-xigeeka Puntland maanta booqasho ku yimi deegaamo Faliidhyaale oo ka mida Tuulooyinka u dhexeeya  Gobolada Nugaal iyo Sool, laakiinse wali gacanta Maamulkaa ku jira.




Cabdixakiim Camay oo sida xogo hoose aanu ku helnay xidhiidh siyaasaddeed iyo mid deegaan ka dhexeeyo Wasiirka ayaa dhagax dhigay dib u dhis lagu samaynayo Waddada isku xidha Laascaanood iyo Garoowe, taasoo Maamulkiisu dib u habayn ku samaynayo.Camay




Dad u dhuun daloola siyaasadda Xaglo-toosiye ayaa Gobanimonews u sheegay inuu dhawr jeer oo hore oo Camay uu dhaqdhaqaaq la xidhiidha arrimaha gobollada lagu muransanyahay uu wasiirku kedis dalka uga dhoofay.




Cabdi xakiin Xaaji Cumar  iyo Saleban Ciise Axmed ayaa dhinaca siyaasadda aad isugu dhawaa, ka hor intaan xilka looga magacaabin Somaliland, waxaanu ka mid ahaa xubnihii xoojinta u soo raacay markii uu soo laabay mashruucii SSC ee uu Somaliland yimi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 




 




 




 




 




 




 




 




 




=