Thursday, April 10, 2014

20 Arday oo mindi lagu dhaawacay dugsi sare oo ku yaala dalka Maraykanka


Illaa iyo labaatan arday ayaa lagu dhaawacay mindi dugsi sare oo ku yaal gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.




Sida ay sheegayaan wararka arday wax ka dhigta dugsiga ayaa loo qabtay in u ka dambeeyay falkan lagu dhaawacay ardayda iskuulka ku yaal duleedka magaalada Pittsburgh.




Afar ka mid ah ardayda oo soo gaaray dhaawac halis da’adooduna u dhexeysa 14-17 jir ayaa loo duuliyay isbitaal si loogu soo daweeyo.




Falkan oo dhacay aroornimadii hore ee waqtiga Maraykanka ayaa inta badan ardayda ay ku soo jeedeen iskuulka, waxaana muuqaalo laga daawaday taleefishinada la arkayay iyadoo ardayda ay meelo gaar ah ku xoonsan yihiin iyadoo ay ka muuqato cabsi.




Lama oga sababta keentay in ardaygan uu midiyeeyo qaar ka mid ah ardaydii wax la baran jiray.