Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.
Waxaynu qaybheenii hore kaga soo hadalnay guushu waxay tahay, iyo sida dadku u arkaan, waxaynu wali ku guda jirnaa tiirasha iyo aas-aaska gaaritaanka guusha oo ay nu dhawr qodob ka soo hadalnay inagoo sii dhamaystiri doona. Hadaba dhawrkan qodob ayaa tiir adag u ah sida ugu fudud eed ku gaadhi karto Guusha iyo Himilada uu qofkastaa tiig sanayo:
4. Geesinimo iyo Dhiiranaan: Ogow geesinimada iyo Dhiiranaantu waa qaybta ugu muhiimsan ee guusha waana halka uu qofku kaqaato u jeedadiisa iyo sida uu u wajahayo, waana inaad niyada ku haysaa in guusha iyo dariiqa dheeri ay mataano yihiin, dariiq dheer iyo hagardaamaduna ay wada socdaan, qofkasta oo raba inuu gaadho meel sare waa inuu karti iyo awood u leeyahay inuu dadka ku qancin karo waxa uu tiigsanaayo si taxadar leh, waana inuu u babac dhigi karaa waxkasta oo isku daya inuu ka hor istaago himiladiisa. (Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga).
5. Kalsoonida nafta: Kalsoonida naftu waa qaybta ugu muhiimsan nolosha bini-aadamka, waa inaad tahay qof markasta ku kalsoon noloshiisa. Naftaada ku cadaadi siday hore ugu socon lahayd markasta, Meelkasta iyo si kasto ay tahayba, Hana kashakiin kana xishoon hadafkaaga magac dhawgiisa iyo ku celcelintiisa, Naftaadana ha mahadinin waayo waxay kugu mashquulin inaad waxyaabo kale qabato, Maalinkastana waxad hubisaa wixii kuu qabsoomay ee horumar iyo wixii kaa qaldamay si aad u saxdo qaladaadkaaga naftana aad ku adkayso inay hore u socota, adigoon waxa kaa tagay iyo waxa kugu hareersan aan midna ku mashquulin, si aad u ogaato inaad wali gaadhay meeshii u saraysay ama u qiimaha badnayd eed hiigsanaysay inaad gaadhay. markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto. Haddiiba Kalsoonaanta Nafta Tahay Furaha Guusha Kalsooni Daradauna Waa Fashilka Nolasha. (Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga).
6. Samir iyo Dulqaad: Ogow qof samra sadkii ma waayo, waxaad Samir ku waydayna orod ku heli maysid, waayo hadii aad tahay qof niyad jab badan ama dadka niyad jabiya oo wajihi kari waaya hadba waayaha taagan oo Samir iyo dulqaad yeelan waydo waxaa tahay qof ka dhacay himiladii uu tiigsanaayay, iskana jir inaad la saaxiibto kuwa bilaa samirka iyo dulqaadka ah waayo waxay caqabad ku yihiin himilada aad rabto inaad gaadho, kuna dadaal Samir iyo dulqaad Adoo Ilaahay talo saaranaya markasta iyo meel kasta. (Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga).
La soco qaybaha danbe oo aad kuu xiisa galin doona, oo aan filaayo inaad ka heli doonto jawaabo badan oo maskaxdaada ka guuxaya muda badan aad u raadinaysay jawaab, iyo tilmaamo kaa caawin doona inaad gaadho himiladaada.
” ALLAA MAHAD LEH“.
Suleiman Bashir Omar
Borama, Awdal.
Email: ibnubashiir99@gmail.com