Siday kuula muuqataa adiga Xayiraadda Haatuf Media network iyo Hubaal?ka dhiibo fikirkaaga.
Waran-cadde oo isku soo leexiyay Waran-cadde oo isku soo leexiyay Waran meel kale ku jihaysnaa,,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qirtay inuu ka dambeeyay xadhiga Wargeyska Haatuf, waxaanu sheegay inuu dambi qaranka ka galay Haatuf.
Cali Waran-cadde oo gelinkii dambe ee Maanta Iddeecada BBC-da la hadlay, ayaa intaasi ku daray in Dacwadda wargeysku ka socoto Maxkamadda, ilaa dambiga lagu haysto uu ka laabtana xayiraada laga qaadi doonin.
Cali Waran-cadde waxa kale oo uu ku hanjabay in cid kasta oo ka gudubta xayndaabka xoriyadda la ciqaabi doono.
Dhamaan qaybaha Siyaasadda ee madaxbanaan iyo Ururrada u doodda Xuquuqda Aaddamaha ayaa cambaareeyeyay xadhiga wargeyska HAATUF MEDIA NETWORK.
Dhambaalo iska soo daba dhacaya ayaa talaabada ciidanku shalay kula wareegeen xarunta Wargeyska ku timaamay Gabood fal aan loo aabbo yeellayn Saxaafadda.
Waddani
Afhayeenka Qurba jooga Xisbi Mucaaridka WADDANI kana mid ah xubnaha sarsare ee Golaha Fulinta Xisbigaasi Mudane Mukhtaar Murre Warsame Oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa Ayaa Si kulul uga hadlay Xadhiga iyo Weerarka Qaawan ee Xukumaddu iridaha isugu dhufatay Xarunta Wargeyskii Madaxa banaanaa Ee HAATUF, oo ahaa maalinle Kasoo baxa Hargeysa.
Mukhtaar Mure waxa uu sheegay inay Nasiib Daro Qaran Tahay talaabadda Xukumaddu kula kacday Wargeyskaasi Isagoona Isbarbardhigay Xadhigii hore ee uu weli Xukumadda ugu xidhan yahay Hubaal oo uu sheegay in ragii soo Weerarayna Darajooyinka Loogu Kordhiyay kanina uu daba socdo cabudhinta Joogtada ah Ee Xukumaddu Saxaafadda Madaxa banaan Ku Hayso ''Nasiib darooyinka Xukumadan haysta ayay kamid tahay dhabaddi ay hore ugu xidheen Hubaal ayay Haatufna ku daba qabteen iyadoo weliba ragii berigaa hore weeraray hubaal darajooyinkoodi la dalacay nasiib darooyinka ayay kamid tahay Maanayna cadayn dawladdu sababta rasmiga ah ee Ay Haatuf uxidhay xaaladan iminka taagan shacbigu aad bay uga kacsan yihiin iyadoo lala yaaban yahay tii hore ay saaxaafadda kula kacday ayay tana ku dartay waa nasiib daro in qarnigii 21 saxaafadda la cabudhiyo''
Sidoo kale laba Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi iyo ka arrimaha gudaha ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku dhaleeceeyay xadhiga Wargeyska lagula kacay, waxaanay ku tilmaameen talaabo lagu dhaawacyo xoriyatal qowlka iyo Madaxbanaanida saxaafadda.
Xasan Ciise Jaamac
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo isaguna xadhiga wargeyska ka hadlay ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hoga-tusaaleeyey maah-maaha Soomaaliyeed ee tidhaahda Go'aaga haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa ee laguma dagaalamo, isaga oo arrimahaas ka hadlatyana waxa uu yidhi"Haddii aanu dariiq kale u furnayn oo wax lagu sixi karaa wuxuunbay ahaan lahayd, laakiin mar haddii dariiqi saxda ahaa uu cad yahay oo la wada yaqaano, oo dadka oo dhami wada-garanayaan in laga leexdo oo qab uun sidan oo kale lagaga siiyo waa khalad,Dawlada iyo qof kaleba dacwad wuu furan karaa, sida qofka loo ashkateyn karo ayaa shirkadaha loo ashkateyn karaa, oo loo ashkateyn karaa Wargeyska oo dariiqa cadaaladii waxa weeyaan inay maxkamadu file furto,oo Wargeyskii ama ciddii kale ee la ashkateynayey fursad uu isku difaaco la siiyo oo uu maxkamada la hor-yimaado oo uu gar-naqsi sameeyo, oo haddii ay maxkamadu arrintii cadaalad u gar-naqayso dadkii oo daawanaya ay go'aankii soo saarto, oo uu go'aankaasi noqdo mid cadaalad ah ama Wargeyska ayaa helaya ama waa laga helayaa,......Soomaalidu waxay tidhaahda Go'aaga haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa,laguma dagaalamo, xukuumaddu haddii ay dulqaadanayso markii juuq la yidhaahdaba oo markii horena ay Wargeyskii HUBAAL xayirtey, imikana ay u soo dhigatay Wargeyska HAATUF, beritana waxay u soo dhiganaysa kuwa kale, imika Wargeys ammaan dareemaya oo madax-banaaniba ma jirro," "Sumcadeena aad ayey ugu xun tahay, oo Ictiraaf ayeynu raadinaynay oo waxaynu doonayey inaynu Somaliland adduunka kala mid dhigno, oo aynu nidhaahno waa waddan dimuqraadiya, oo Mandaqada ka tilmaaman, oo nabadgelyo heysta, oo ay xorriyatul-qawl ka jirro, oo xorriyadii qoraalku jiro oo xukuumaddani wixii oodhan ayey ku dhoobeysanayaan".Ayuu yidhi Xasan Ciise.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku taliyey oo uu yidhi "Waxa loo baahan yahay in la canbaareeyo, oo ay dadku dareenkooda muujiyaan sida ay uga xun yihiin ay dawladu fahanto, oo dawlada laftigeedu waa bini'aadmi oo way khaldami kartaa, oo ay qaladkeeda qaadato oo ay ka noqoto, raali-gelina ka bixiso".
Ururrada Saxaafadda iyo xuquuqal-iinsaanka
Qaar ka mida Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dooodda iyo Ururrada Saxaafadda, ayaa iyaguna xalay dhambaalo cambaareyn ah ka soo jeediyay arrintan.
Cali Waran-cadde ayaa isku soo leexiyay eedda cida loo xidhay Haatuf oo ah Ninka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga u yahay Baashe Cumar Morgan.
Waa wargeyskii labaad ee ay Xukuumaddu albaabadda u xidho sanadkan gudihiisa,
waana xarun warbaahineedii saddexaad ee ciidan lagula wareego xili shaqaddu ka socoto ilaa sanadkii 2013-ka, kuwaasoo kala ah Horn Cabletv, Hubaal Media iyo Haatuf Newpaper.
Sidaad u aragtaa?
Hadaba adigu sidaad u aragtaa xadhiga iyo xoog ku qabsashada Xarunta Wargeyska oo aan ilaa hada food-saaro loo yeelayn, aan ka ahayn inay ka dhalatay xurguf ka dhaxaysa Wasiirka Macdanta, Wiilka madaxweynuhu sodoga u yahay iyo Mulkilaha wargeyska.
FG: wax dacwad ah laguma soo oogin wargeyska ka hor intaan la xidhin, mid hore ugu socotayna may jirin.
Ma jirin wax dambi ah oo ay faraha kula jireen dadka ka shaqeeya oo aan qof laga xidhay jirin.
Fadlan Fikirkaaga ku dhiibo halkan ama Email editor@gobanimonews.com /faceboog: https://www.facebook.com/GobanimoNewsAgency?ref=hl ama toos u soo dir aragtidaada.