By: Daahir Ciise Cabdi(Daahir Cameey)
Inta badan dhalinyarada Soomaalida waxa ay si kaftan ah u isticmaalaan kelmada “wan ku jeclahay “ oo ah kelmada aad u culus isla markaana fariin adag u dirta qalbiga qofka lagu yidhaahdo odhaahdaas .
Odhaahdan ayaa si ka fiirsi la’aan waxaa inta badan u isticmaalo hablaha Soomaalida ayagoo iska fududeysta kalmadan waxayna taas sabab u noqotay in ay u sahlanaadaan sheydaanka iyo Isha oo ah jiro aad u xun oo waayahan danbe kusoo badatay bulshada Soomaalida Dhaxdeeda .
ran ee lasoo darsay qaar ka mid ah gabdhaha Soomaalida waxaa inta badan sabab u noqdo hadal jilicsan iyo kelmado jaceyl muujinayo oo ay usoo bandhigeen qof aysan daqiiqad xitaa niyadooda u furin ama aysan gelin inkastoo ay jiraan qaar uu siyaabo kale ku asiibay.
Haddaba Hablaha Soomaalida waxaa la gudboon in ay aad uga fiirsadaan hadalada ay kula hadlayaan dadka aan xidhiidhka ka dhaxeyn isla isla markaana aysan balan ka qaadin qof aanan niyadooda ku jirin .
Waxaan sidoo kale xusuusinayaa in ay diiniyan qalad tahay in aad hadal jilicsan kula hadashaan raga ajnabiga idinka ah waxaa kale oo wax xun ah in aad qof bini aadam ah sirto oo aad been u sheegto adigoo dano kale ama u jeedo kale ka leh .
Si kataba ahaadee waxaan si guud ugu dardarmayaa bulshada Soomaalida gaar ahaan dhalinyarada In ay aad uga fiirsadaan adeegsadaan kelmada “wan ku jeclahay “ iyo kelmadaha kale ee la midka ah.