Wasiir Waran-cadde iyo Xukuumadda uu ka tirsanyahay oo noqday Tuug la qabtay talo ma leh!!!Hoos ka Daawo Muuqaalka Xafladda Ciidanta Tababarka loogu soo xidhay..
Gobanimo News waxay heshay Muuqaalka Xaflad Tababar loogu soo xidhay Saraakiil ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo Dalka Talyaaniga ka dhacday.
arrintan ayaa muran xoogan ka dhex abuurtay Asxaabta Siyaasadda iyo Xukuumadda Somaliland maalmihii la soo dhaafay, hase yeeshee wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland wuu dafiray jiriraanka Askarta tababarka loogu diray Talyaaniga, ka dib markii Xisbiga UCID arrintan ku eeddeeyay Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Bilayska.
Hadaba waxa noo suurto gashay inaanu helno Muuqaalka Xafladda Xisbiga Ucid ku soo bandhigay Muuqaalka kooban oo dhamaystiran, taasoo uu La-taliyaha Wasiirka Gaashaan dhiga Somalia tafaasiil kaga bixinayo meelaha ay ka kala yimaadeen askarta tababarka qaadatay.
La-taliyaha ayaa Odhanaya "askartan waxay ka kala yimaaddeen Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya".
sidoo kale Muuqaalkan waxa laga arkayaa Askar bilado la guddoonsiinayo oo qaarkood wajiyadooda la garanayo,, kana mida kuwa Xisbiga Ucid wajiyaddooda calaamadsaday.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID ayaa sheegay maanta "waxaanu haynaa in Askarta Talyaaniga lagu soo tababaray Saami isleeg laga siiyay Somaliland iyo Puntland"ayuu yidhi Yuusuf Kayse.
marka laysku soo wada Uruuriyo doodda labada dhinac ee Somaliland ka qabaan arrintan Wasiir Waran-cadde iyo Taliyaha Bilayska ayaa dhex fadhiya Faddeexad.
Waa markii ugu horaysay ee Ciidamada ka kala socda Somaliland iyo Somalia goob lagu wada tababaro,23-kii sanadood ee somaliland jirtay, taasoo ay asxaabta Mucaaridku ku tilmaamayaan arrin dhaawac ku ah qarannimada iyo gooni-isutaaga waddanka.
Halkan ka Daawo Xaflada oo dhamaystiran:https:
https://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=8vhXmsqDNIE