Monday, April 14, 2014

Wasiirka kahaarajiga SL OO musuqmaasaq Hadheeyey”Qalinkii: Jaamac Fudul Axmed


Maxamed Bexi Younis oo dhamaan meelihii uu ka soo shaqeeyey looga soo eryey musuqmasaq badan iyo wax is weydaaris. Markii uu ka shaqayn jirey Baanka Afrika ee uu mamuli jirey xafiiska shaqaaleynta (Human resource) ayey baanku ka eryeen markii lagu arkay waxyaabo badan oo is dhaafdhaafa oo ku saabsan dad cidiisa ah oo uu shahaadooyin been ah u meel mariyey. Markii lagu qasbay inuu shaqada ka tago ayuu cararkii ku noqday jaamacad oo uu u doontey majisteer, kadibna wax uu shaqo ka helay jamciyada quruumaha. Markii la keenay xarunta darfoor ee soodaan anshax xumadii ayuu halkii ka waday isagoo shaqo gelinaya dadka ay isku jilibyihiin. Waxa ay gaadhay heer inuu isagu u tilmaamo meelaha laga soo qaato shahdooyinka beenta ah ee ay ka mid yihiin hindia iyo bariga yurub. Qof aan ahin bahdiisa mooye wuu ka dhaariyey dadka kale ee reer SL inay ka shaqeeyaan. Dhalinyaro badan oo shahaadooyin waangsan haysta oo aan la wadaagin haybta ayuu qashinka dalabkoodii ku ridey. Dadkaa shaqooyinka loo diidey oo ay ka mid ahaayeen dad reer SL iyo dad ajaanib ah ayaa u ashkatooday qaybta jamciyada quruumaha ee la yidhaahdo (UN Department of Field Support). Gabadh reer Bagistaana oo la yidhaahdo Amiirah Xaq  oo ku waanisey dadkii cabanaayey inay la xidheedhaan qaybta loo yaqaan (Internal Audit Division). Kuwaasi ayaa u yeedhay Maxamed Yoonis  ogeysiiyeyna inaanay Jamciyada quruumo raali ka noqonaynin qaaraba kiilka uu ka wado (UNAMID) baditaan dheerna loo diri doono. Iloo u dhuun daloola waxay shegeen intaanu shaqadi siideyn inuu tegay Xamar oo lafadhiistay madaxweynaa Somalia Hassan Sheikh Mohamoud oo uu weydiistay wasiir khaaraji. Madaxweynaha Somalia Taa wuu  kaa diiday waxaanu ku yidhi hada booskaasi ma banana. Markii u arkay inay ku xuntahay arimhu ayuu Jilibkiisa  haysta manaasiibta la soo hadlay oo u sheegay inuu diyaar u yahay jagada khaarjiga . Maxamed ma sugin badhitaankii ee baqdin u ka qabo qadyadan wuxu miciin biday inuu shaqadii iska casilo oo uu qaatay wasiirka khaarjiga SL. Somaalidu waxay ku mahmaahdaa “ Nina caadii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo”. Maxamed basar   xumadii halkii ayuu ka sii waday markii loo dhiibay khaarjiga. Halkii looga baahnaa inuu aad iasgu taxlujiyo arimha ictraafka iyo siyaasada debeda ee Somalilnd (SL), wuxu markiiba u baydhay arimahiisa u gaarka ah iyo ta jilibkiisa. Waxa uu bilaabay inuu wixii mansabo sare oo dhan inuu ka buuxiyo jilibkiisa oo keliya dadka kalena u doono docfadhiisi iyo xoghayn inuu la doondoono. Hada waxa uu wada isku shaandhayn safiirada debedaha u metela SL. Waxaanu rabaa in meelha ugu muhiimsan inuu ka buuxiyo docdooda. Nin ay aad isu xigaan oo la yidhaahdo Cabdulxakiim Xaaji Siciid “Sanyare” oo ku magaacaban la talyahiisa kowaad ayuu beryahnba u goobayey safiirka ithoopia. Isagoo ninkan inaadeerkii uu rabo ithoobia oo ay gabdhiisu ka shaqayso halkaa si uu xaaskiisa ula joogo lacagna ugu qaato ayuu wasiirku ugu dagaalamayaa. Iyada oo uu inaga joogo safiir dalka Ethiopia ahna  nin u qalma mansabkiisa. Hase yesshe Maxamed Biixii wuxu xaawlay inuu ka wareejiyo safiirka itoobia oo uu inaaderkii geliyo. Madaxtooyadu ganafka ayey arinkaa ku dhufatay waanay la yaabtay caqli xumadiisa. Hada waxa uu u raadinayaa inuu ka dhigo Safiirka inoo fadhiya turkiga. Ninkan inaderkii oo mudo is daba socdeen hadana u ka soo kaxeeyey Soodaan oo isagu shaqadaas siiyey. Markii wasiirku ka cararay Darfoor ayuu inadeerkiina kula taliyey inuu raaco. Waxa nasiib daro ah in Wasiirka Khaarjiga ee Soomaliland uu door biday docodocayn iyo kala qaybqaybis kana dex wada qaraabo kiil aan xad lahayn wasaaradiisa iyo meeshii uu gacan la gaadhikaro. Waxa laga war qabaa in docdiisa ku jirta dawalada in uu hadh iyo habeen ku gubaabinayo inay dareen badan u yeeshaan danaha nuux Ismaaciil.




 




Jamac fadul ahmed




Tell:063-456213