Hargeysa (GNA) Ka Dib Markii Ay Shalay Ardayda Jaamacadda Hargeysi Mudaharaad Salmi Ah Iskugu Soo Baxeen Wasaaradda Waxabarashada Horteeda .Kaas Oo Ay Kaga Cabanayeen Lacag Lagu kordhiyey
Haddaba Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI ayaa cod-dheer ku cambaareeyey falkaasi isagoo Xukuumadda Axmed Siilaanyona La Mataaneeyey Kalitaliskii Afweyne waxanu yidhi “Xisbi ahaan aad iyo aad ayaanu uga xunahay ardaydaas loo adeegsaday rasaasta nool waana dhacdo fool xun oo ku cusub qarankan, waa wax aan taariikhda lagu arag in ardaydii jaamacadaha iyo aqoonyahankii dalka oo ka caaggan rasaas in loo adeegsado rasaas nool iyaga oo sita qalimaan iyo buugaag, arrintaasina waxay aniga iyo shacabkaba xasuusinaysaa xilligii kalitaliskii Afweyne ee ardaydi Faarax Oomaar rasaasta nool lala dhacay”.
Xaghayaha Guud isaga oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “maamulka Siilaayo siduu wax ku wado waxa aad moodaa inaanay jirin wax uu dhawranayaa, dalkiina uu doonayo inuu qori caaradii ku xukumo oo cid juuq tidhaahda iyo cid hadashaba la waayo, sharciga iyo nidaamka shacabku way ogolyihiin laakiin xukuumadda Siilaanyo ayaa loogu taag la’yahay sharciga iyo nidaamka”.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI isagoo ka hadlaya saxafiyiin maanta lagu xidhxidhay goobtii ardayda jaamacadda hargeysi ku mudaharaadayeen wuxuu yidhi “waxa cad in xukuumadda Siilaayo ku caanbaxday xidhxidhka saxafiyiinta oo markay xukuumadda Siilaanyo ilawday shaqadii umaddu u igmatay isku mashquulinaysa xidhxidhka saxaafadda”.
Ugu dambayntii Xoghayaha Guud wuxu fariin u diray xukuumadda siilaanyo wuxuu yidhi “waxaanu leenahay intaan dadku isu soo bixin si degdeg ah xorriyadooda ugu soo celiya ardaydaas iyo suxufiyiintaas”.
Mustafe Faro
Gobanimonews
Hargeysa office
Faroole1984@outlook.com