Monday, April 14, 2014

Gacan ku-dhiigle xalay Nin ku dilay Gobolka Saraar oo dawladdu ka baadhayso Buur-dhaab


Guddomiye




Caynabo(GNA)-Ciiddamada amaanka Gobolka Saraa, ayaa la sheegay inay wali raadinayaan  gacan-ku dhiigle xalay Nin rayid ah ku dilay Deegaanka Jaleelo oo u dhexeeya Degmada Caynabo iyo Waddaamo-goo.




Ninka la dilay ayaa u dhintay dhaawac culus oo uu Madaxa ka gaadhsiiyay Ninka gacan ku-dhiiglaha ahi, sida ay Goob-joogeyaal Gobanimonews u xaqiijiyeen.




Labada Nin ayaa waxa dhex maray muran Dhul oo sababay inuu gacan ka hadal ka dhex dhaco, kaddib markii Ninka la sheegay inuu dilka geystay ka kale ku durkiyay Beer Ooddeed ku dhaweyd Beer ninka dhintay leeyahay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in markii ay labada dhinac muddo muransanaayeen kaddib gacanta iskula tageen, iyadoonay wali cid soo dhex gashay jirin.




Ninka dhintay oo Magaciisa la odhan jiray Cabdilaahi Diiriye Cawl, ayaa la sheegay inuu ku dhiig-baxay goobta lagu dhaawacay oo goor dambe laga soo qaaday.




Masuul sare oo ka tirsan Laamaha dawladda ee Gobolka ayaa Gobanimo u sheegay in dhaawaca Marxuumka loola soo cararay Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco goor dambe oo uu dhiig baxay, halkaasoo saaka la soo sheegay inuu ku dhintay.




Eeddeysanaha wax dilay ayaa la sheegay inuu baxsaday isla xalayba markii uu falka geystay, isagoo galay Dhulbuureedka  loo yaqaano Buur-dhaab  oo Gobolkaasi ku yaala.




Ciidamo bilays ah iyo Masuuliyiin uu horkacayo Guddoomiya Gobolka Saraar ayaa saaka Caynabo kaga soo baxay dhacdadaasi, kuwaasoo la sheegay inay wali raacdada qofka wax dilay ku jiraan.




 “waxaanu joognaa Buuraha Buur-dhaab oo ah dhul raf ah oo aanay Gaadiidku ku socon karayn, waxaana nala socda Guddoomiyihii Gobolka, Xildhibaanno, Ciidamo Bilays iyo Milateriba isugu jira”sidaasi waxa khadka Telefoonka Gobanimo ugu sheegay Xildhibaan Maxamed oo ka mid ah Golaha Deegaanka Caynabo.




Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray inaanay ka hadhayn ilaa ay soo qabtaan Dhib-geystaha, inkasta oo uu sheegay inay Gaadiidku u mari waayeen meelo badan oo Buurta ah.




Dilalka ka dhasha muranka dhul-beeraadka Seerayaasha layska ooto ah, ayaa Gobolka saraar labadii sanadood ee ugu dambeeyay ku soo badanayay, kuwaasoo amaanka Gobolka dhaawac ku keenay.




Ugu yaraan saddex Dil oo arrintan ka dhashay ayaa ka dhacay Gobolk Sanadkan oo qudha, kuwaasoo kal kala dhacay Oog, Gumburo Xan-geeyo iyo Waddaamo-goo.




Dadka deegaanka ayaa sheegay inay murannada ku saabsan Dhul-daaqsimeedka la oodanayaa halis ku yihiin Nabad-gelyada Gobolka.




Dawladda ayaan ilaa hada wax talaabo ah oo wax lagaga qabanayo dilalkan ku soo noqnoqonaya Gobolka qaadin.




Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mida Golaha Deegaanka Caynabo, ayaa Gobanimo u sheegay in ilaa Dilkii Taliyaha Sirdoonka Gobolka Saraar ee sanadkii hore la toogtay salka ku hayay xurguf ka dhalatay Muranka Dhulka ee noocan.




Xildhibaanka ayaa dalbaday inay dawladdu awood ciidan iyo maamul oo wax lagaga qaban karo mushkiladdan Gobolka keento.




Gobanimonews




Caynabo Office




Email: editor@gobanimonews.com