Taleex(GNA)-Ciidanka Somaliland ayaa Taleex ka baxay gelinkii dambe ee Maanta.
goob-joogeyaal ayaa xaqiijiyay inay Milateriga Somaliland Magaalada Taleex Dibada uga baxeen 24 saacadood oo ay gacanta ku hayeen kaddib.
Ma cadda sababta ay ciidamada somaliland halkaasi uga baxeen iyo halka ay u guureen toona.
balse Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo ku sugnaa Gudaha Taleex goor sii horaysay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay inay difaac kala hortegayaan cid kasta oo ku soo doonata Deegaankan.
Dhinaca kale, talaabadan hada la soo wariyay ayaa saacaddo ka dambeysay, kulamo is daba joog ah oo Saraakiisha Ciidanka iyo maamulka Degmada taleex la yeesheen Bulshada rayidka ah ee Magaalada ku dhaqan.
kulamadaasi ayaa qaarkood saaka dhaceen, waxaana lagaga wada hadlay sidii amniga deegaanka loo wada sugi lahaa,sidaana waxa Gobanimoews u xaqiijiyay saraakiil Maamul iyo xubno Milateriga ka tirsan oo aanu Taleefoonka kula xidhiidhnay.
Madaxda Ciidamada iyo Wasaaradda Gaashaan-dhiga ayaan ilaa hada ka hadal sababta ciidanku uga soo baxay Taleex.
xidhiidh kala duwan oo aanu la samaynay dadka Deegaanka iyo Ciidamada aagaasi saraakiisha hogaaminaysa ayaan noo suurto gelin is-gaaadhsiinta cidhiidhi ah awgeed.
la soco wixii war ka soo kordha goor dhaw...