Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo ka dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo ku geeryooday magaalada London maanta (15/April/2014), kaas oo ahaa aqoonyahan hal-beeg u ah saxaafadda.
Guddoomiyuhu wuxuu Ilaahay uga baryayaa inuu marxuumka naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, qarabada iyo shacabkana uu samir iyo iiman haka siiyo. AAMIIN…AAMIN…AAMIN
ALLA MAHAD LEH
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayha guud ee Xisbiga KULMIYE