Wednesday, April 16, 2014

Somaliland: Saddex Wasiir oo Safar Shakhsi ah ku tegay Djibouti!


Wasiirradan oo uu hogaaminayo Xirsi Cali X. Xasan ayaa diiday inay Tafaasiil ka bixiyaan ujeeddada safarkooda iyo Su’aalaha ka dhashay..




SAMSUNG DIGITAL CAMERAHargeysa(GNA)-Saddex ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ayaa socdaal ugu baxay dalka Djibouti maanta oo Arbaca ah.




Wasiirradan ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, iyagoo aan wax warbixin ah ka soo saarin ujeeddada Safarkooda.




Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa xubno ka ah Wasiirka Hawlaha-guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre.




Wariyeyaal ku sugnaa Madaarka markii ay dhoofayeen , ayaanay wax tafaasiil ah ka siinin ujeeddada safarkooda, iyagoo ku tilmaamay socdaal Shakhsi ah oo aan wax dan siyaasaddeeda ah salka ku haynin.




Waa ay ka gaabsadeen inay faahfaahin intaasi ka badan bixiyaan.




Somaliland iyo Djibouti




Inkasta oo Xidhiidh siyaasaddeed iyo skaashi dhanka amniga ahi ka dhexeeyo, oo ay sanad kasta wufuud kala duwani isaga gudbaan,hadana safarka Wasiirradan ayaa ah mid dareenno culus durba soo qadimaya.




Sababtoo ay tahay hore looma araga Somaliland, wefti Miisaankan leh oo safar shakhsi ah mar ugu wada baxay dal kale.




Arrintaa dadka siyaasadda ka faalloodaa farbay ku goddayaan.




Raaddadkii u dambeeyay ee xidhiidhka labada dal




Somaliland ayaa todobaadkii hore Mishiino Korantada dhaliya looga soo qaaday dalka Djibouti.




Halkaas ayaa sida la sheegay uu ka soo iibiyay Mishiinadda Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid, kaddib markii dawladdu ka dalbatay Mishiinnaddaasi oo lagu bedelay kuwo ka fadhiistay Wershada Korantada dawladda.




Tiradda Mishiinnada ayaa lagu sheegay laba Midh oo Gawaadhi lagaga soo qaaday Dalkaasi, isla markaana lagu kiciyay Korantada dawladda oo 12 Maalmood fadhiday.




Inkasta oo aanay soo Iibinta Ganacsahan ee Mishiinnadu ahayn arrin labada dawladda dhex martay inta la ogyahay, hadana warbaahinta qaar ayaa safarka Wasiirrada ku xidhiidhiyay taasi.




Warar laysla dhex marayo ayaa sheegaya in Wasiirradan dalka Dibouti ka soo qaadayaan Mishiino kale oo wali baaqi halkaasi ku ah, kuwaasoo laga iibiyay Shirkad dalkaasi fadhigeedu yahay.




Arrimaha kale ee lala xidhiidhinayo safarkan ayaa ah inay qalabkii Dhismaha waddooyinka wax ugaga baaqi yihiin Dalka Jibouti oo intii dalka soo gaadhay laga soo dejiyay.




Sidoo kale, waxa la hadal hayaa in qalabkaasi dhismaha waddooyinka ashyaa ka dhiman ay ka soo iibinayaan dalkaasi.




Si kastaba ha ahaatee ma cadda ujeeddada dhabta ah ee socdaalka Wasiirradan Djibouti tegay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com