Wuxuu kaloo uu ka hadlay doorka saxaafadda ee qaban-qaabada xuska 18 May. Hoos ka dhageyso
Hargaysa (GNA)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir oo Kulan la qaatay Shaqaale weynaha Wasaarada Warfaafinta ayaa ka Waramay kaalinta Wasaarada Warfaafinta iyo Saxaafada Madaxa banaani ay ku leeyihiin Xuska
Wasiirku waxa uu ka hadlay Xuska Munaasibada Qaran ee 18 May iyo Doorka kaga beegan Wasaarada Warfaafinta iyo Saxaafada Madaxa banaan.
Wasiir C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Waxa uu sheegay in Warbaahinta Dawliga ha iyo ta madaxa banaanba looga baahan yahay inay si Mug leh u soo bandhigaan Marxaladihii uu qarankani soo maray Mudadii uu Jiray.
Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Waxa uu Xusay inay Magacaabi doonaan Gudiyo ka hawl galaya arrintan Waxaa kale oo uu Warbaahinta uga digay adeegsiga Magacyada Qabaa’ilka oo aan ku qurux badnayn Saaxada Warbaahinta .
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Waxaa kale oo uu ka Hadlay Tabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Waxaanu Xusay Wasiirku in Qiimayntii ay ku sameeyeen Shaqaalaha Wasaaradu ay in badani hirgashay kuwa kalena ay hawshoodu socoto.
Kulankan ayaa Qaar ka mid ah Shaqaaluhu Waxay ku soo bandhigeen Tabashooyin ay rabaan inay Garawshiiyo u helaan.
Halkan ka dhageyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cukuse141.mp3"][/audio]
Mustafe faro
Gobanimonews
Hargeysa office
Email: faroole1984@outlook.com