Dab xoogan ayaa abaare 2:00 duhurnimo ee ka kacay garaash lagu keydiyo fuustooyinka shidaalka oo ku yaala nawaaxiga degaanka Sei-biyaano ee magaalada Muqdisho.
Dabkan ayaa ku fiday qeybo ka mid ah suuq halkaas ku yaala isagoo basbeeliyey hanti fara badan oo Suuqaasi tiilay, waxaana fidida dabkan gacan ka geystay shidaal fara badan oo sii holciyey.
Gaadiidka dab demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha ayaa halkaas gaaray iyagoo bilaabay dedaalo ay ku deminayaan dabkaas oo ugu dambeyntiiay ku guuleysteen.
Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa iyana halkaas gaaray iyagoo ilaalinaya amaanka iyo ineysan goobtaas ka dhicin wax bililiqo ah, lama sheegin dad waxyeelo ay ka soo gaartay dabkaas oo dhinaca kale tirakoob sax ah aan laga heynin khasaaraha maaliyadeed ee uu geystay.