Saturday, April 12, 2014

Isma ogine waynu dug-sanaa,(Qalinkii: C/raxmaan Cumar


Waa habeen jimce soo galaayo,goobtuna waa magaalada hargaysa, agagaarka saldhiga dhexe.




Waxan markaa ka soo baxay masaajidka rusheeye ama Adiino, qofba sida u uyaqaano,   waxan marayaa masajidka dabadiisa, waxa I hor socda laba wiil oo dhalin yar ah,   oo  mid qurbaha ka yimid labiska waa isku mid, way sheekaysanayaane garo hada. Waxa uu ka qurbaha ka yimid cabayaa wax aan sigaar umaleeyey laakin urta ka duwan, cabaar markan daba socday ayaa waxaa ka hor yimid wiil kale oo ay sxb yihiin, Wiilki ka hor yimid ayaa inta la wada istaagay  su’aal way diiyay wiilki af-ku dablaha ahaa ee qurbaha ka yimi,




s. war halkee ayaad ka soo heshay xalay wan waayaye bal Ii dhiib bro.




j. war meeshan waxba lagama waaye mawaxaad u haysataa ingiriiski gidaar kasta as-gartu ina er-yanaysay.




s. war ingiriski halkan ayaaba ka wanaagsane sxb duub I sii ilaa xalay maan arage.




j. no’ bro’ 3$ dolar ayan  zaadka kugu shubayaaye adigu doono, waanu ku sugaynaaye.




s. ma halkeni hore ayaan ka eegaa.




J.”haa’ sii jeedka waka hor fadhiya e mobilka kala hadal hadad arki weydo




Intas marki la is weydarsaday wali dabkina u baxaayo ayaa la istaagay si lacagti la is kugu diro,aniguna aayar anigo talaab sanaaya ayan dhaafay, waxa I daba cocda laba nin oo muxtarim ah,way shakaysanayan markay I dhafayen ayaaba mid ki kale ku leeyahay, war wixii inoo uraayay markaynu agmaraynay wiilasha meesha tagna miyad garanaysay, ki kale ayaa ugu jawaabay mayee waxan umalaynayaa in qashin meesha lagu gubaayay inoo uray,kile ayaa maad garane waa xashiishad ay cabayeen wiilasha meesha taagna. Salamaad allow inoo sahal waxas miyan garanayaa.




Hadaba odhan mayno dhalin yarada oo dhan ayaa taas ka siman, waayo in badan oo wanagsanba way jirtaaye waxa  maanta bulshada looga bahan yahay in xumaanta mel looga soo wada jeesto, waayo waxa dhacdaba in aad aragto wiil yar oo xabag suuqa ku dhex cabaaya , oo dad waayeel iyo dhalinyaro u badani intay eegaan waliba qaar ku qoslaan,waliba ay iska  dhaafaan, ilaheyna swc waxa u ina faray in xumanta aynu iska reebno wanaagana is farno xumaanta maanta taala wadan keena inta muuqata qof walba oo muslim ah  waajib ayaa ka saran.




Haddi xumaanta iyo macaasida foosha xun meel aan looga soo wada jeed-sanina meel xun ayaynu ku danbayn,   hadaba si cadhada illahay aynu uga badbaadno waa in qof waliba wajibka ilahay  saaray si niyad ah u gutaa, ilahay ayaa inaga abaal marin’insha allah’




Illahay ha ina garansiiyo  wajibkeena.




Wabilahi towfiiq




c/raxman cumar Ibrahim: hargaysa  shiine_87@hotmail.com