Hargeysa(GNA)-Laba ka mida Kooxda Xidigaha Geeska oo maalmahanba ku xidhnaa Madaarka Hargeysa, ka dib markii la qabtay, iyagoo ka soo laabtay safar ay ku tageen Caasimadda Somalia ee Muqdisho , ayaa mid ka mid ah la sii dayay maanta.
Ikraam Jaamac oo ah fannaanad weyn oo Geyiga Somalida laga wada yaqaano iyo Awaanka Da’da yare e Xasan Saleban Dhuxul Laab-saalax , ayaa bilaysku xidheen saddex maalmood ka hor iyagoo ka soo degay halkaasi.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa sii deysay Ikraan Jaamac,sida Gobanimonews loo xaqiiyay, laakiinse ma cadda in dambi lagu waayay iyo in kale.
Sidoo kale Abwaan Xasan Dhuxul ayaa la sheegay in dib loogu celiyay Saldhiga uu ku xidhanyahay ee Madaarka, iyadoo dhegeysiga Dacwadiisa lagu xidhay inay yimaadeen Fanaaniin kale oo la socday oo muqdisho ay u wada safreen,kuwaasoo iyagu aaday Nairobi.
Xasan Dhuxul iyo shan ka midda Kooxda Xidigaha Geeska ayaa laba todobaad ka hor u sadcaalay Muqdisho, si ay halkaasi uga soo qaataan Baasaaboorka Somalia oo ay ugu dhoofi lahaayeen dalka Australia oo casuumad looga soo diray.
Safarka Fanaaniintan ayaa dawladdu aragti kale ka qaadatay, isla markaana loo arkaa in la siyaasddeedyay.
Abwaan Xasan Dhuxul oo ay walaalo yihiin Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda isna si uun saldhiga lagaga soo daayo, sida ay Gobanimo u sheegeen xubno ka mida dadka la socda xaalada xadhigiisa.
Taageerayaasha Fanka iyo xubno ka mida qurbo-joogta Somaliland ayaa dhaleeceeyay xadhiga labada fanaan, waxaanay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah xoriyada dhaqdhaqaaqa Bulshada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com