Wednesday, April 9, 2014

Silaanyo Waa Ku Ceeb In Wiil Uu Sodog U Yahay Shicibku Ka Cawdaan By Abdi Mustafe


Wasiir waran cade isaga waxa la garan la'yey in uu fayowyey iyo in kale sababtoo ah BBC da ayuu ka yidhi democradiyad baannu wadnaa




 




Silaanyo oo 86 jir ihi ma wuxuu garan waayey inankan inanta kaa qaba ka fogee fadeexadahan dul hoganaya oo shicibka indhahooda ka qari oo London iskaga noqo dhe. Dhaqan nin weyn maaha in maalin walba laga soo cabto wiil gabadh ka qaba oo uu weliba madaxweynuhu leeyey cidii la hadasha ha la xidho. Ceeb Caleek yaa Silaanyo mee dhaqankii Somali nimadu. Mise aduun ba war kama heysid oo socdaal kaagii dheeraana dawo ku nool baad ahayd iminkana halkaad 4 sano jiiftey baad ku noqotey. Morgan shicibka Somaliland madluun bay ka yihiin in ay arkaan na ma rabaan sababtoo ah wax xila uumada uuma hayo.




 




Wasiirka Macdanta na Madaxweynaha ayaa ku jecel in si deg deg ah uu lacag uuga




 




soo hooyo sharkadaha patroolka oo isna Shicibku ma jecla Silaanya na wuu ku daawanayaa. Wasiirka Madaarkuna laba jeer buu hadlay intii uu Turkey ka soo noqdey oo hadala is burinaya oo been cad ah ayuu sheegay laakiin Silaanyo ayaa raali kaga ah shicib kuna maba maqli karaan oo wuu musuq badanyey.




 




Wasiir waran cade isaga waxa la garan la'yey in uu fayowyey iyo in kale sababtoo ah BBC da ayuu ka yidhi democradiyad baannu wadnaa oo sifo sharci ah baannu ku xidhney Haatuf. Subxaan ... Horta maxkamad gee intaanad meelna iyo qofna xidhin. Cali Waran-Cade wuxuu u shaqeynayaa sidii waagii uu Nabad sugida




u ahaa afweyne. Cali waxaan leeyey kolay karaamo seegtey ee tacadiga dadka ka daa intaad guulwadeyneyso.




 




Wasiirka arimaha dibada waxaan leeyey ilaa iminka waxba kumaad soo kordhin wasaaradii arimaha dibada dayuurad na kama degtid. Waxana soo if baxaya inaad iska shaqeysato ood sharkadahan patroolka iyo ta dekeda lagu wareejinayo qarash aad ka qaadatey. Wasiir Xirsi oo loogu hadal heyn badanaa ayaa maanta uugu denbi yar. Rumeysta ama ha rumeysanina Silaanyo caafimaad daro ayaa heysa dalkana dad kale oo qoys kiisa ah ayaa maamula. Waxaan ku soo afjarayaa inanka Morgan dalka ha laga kaxeeyo looma adkeysan karo wuxuu dalka ka sameynayo e.