Wednesday, April 9, 2014

Codkii Dadka Baahan Carooga Saboolka Adduunka Ku Ciilan Anaa Cudha Haysta’’ W/Q: Maxamuud Maxamed Axmed


xidhitaanka HAATUF waxay noqotay falaadh aan la filayn oo dadkii ka yaabisay, dadka reer Somaliland gaar ahaana dadka ku nool magaalada Hargeysa




 




Canbudhinta  iyo  caga-juglaynta  saxaafada madaxabannaani  waxay sumad iyo astaan  u tahay bulshada xidhiidhkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda nololeed oo la  go’doomiyo, loona diido in ay ummado baahiyaheeda gaar ka ah ee haysta sida biyaha, laydhka iyo tabashooyinka kale  sida xaqdarada iyo dhibka kale. Bal haddaba aan u kuurgalno waayaha iyo xaalada ka jirta dalkeena, gaar ahaana talaabada ugu danbaysay ee WAR-SIDAHA HAATUF, xidhitaanka HAATUF  waxay noqotay falaadh aan la filayn oo dadkii ka  yaabisay, dadka reer  Somaliland gaar ahaana dadka ku nool magaalada Hargeysa waxay ka yaabeen jidka iyo hannaanka qadhaadh ee loo maray xidhitaanka WARGEYSKA HAATUF, yaabe iyo lama arage! Dee inaguma cusba xidhitaanka saxaafada lakin waxaa cajiib noqotay oo hadal-haysteeda iyo ka sheekaynteeduba badatay, jawaabteeduna adkaatay waa “ maxaa




 




 




 




 




ciidanka intaas leeg ee 60 askari kor u dhaafay loogu diray xarunta ma hub iyo dad hubaysan baa ku jiray iyo argagixiso loo maara waayay?”. Runtii waa wax laga yaabo in xarun ay ku jiraan dad saxafiyiin ahi ay ciidan intaas leeg galaan, haddaa sharci loo haysto miyaa saddex askari oo aan hubaysnay loo diro? Maxaa ummada argagaxa iyo cuqdada loogu ridayaa?  Miyay duulayaan waa dad muwaadiniine?. Waa arin madaxa ka weynaysay dadweynaha magaalada Hargeysa ciidanka galay xarunta WARGEYSKA HAATUF, waxayna tani ka dhigantahay shacabka Somaliland oo indhaha iyo dhagahaba la tirayo, waayo saxaafada madaxabannaani waxay wehel u tahay shacabka oo waa codka ay dunida kula xidhiidhaan, waana tabiyaha dhibtooda, waxayna sheegayaan oo ay banka soo dhigayaan ka khaa’ino waddanka, tuuga baananka dhiganaya lacagta cashuurta ah ee masaakiinta laga soo ururiyay,eexaystaha, qabyaaladaystaha,danaystaha, iyo ku kasta oo bulshadu waxay u oomantahay ka leexda, waana waajib saaran saxaafada  inay gargaarahooda noqdaan. Bal aan soo qaato tuducyo ka mid ah “HASHII COSOB’’ abwaan MAXAMED XAASHI DHAMAC(GAARRIYE) Allah ha u naxariste oo ilka neecaw udgooniyo ha ku siiyo naruure’’ sawkii lahaa maaha.




 




 




 




“Codkii dadka baahan,




 




 




 




Caroogga saboolka,




 




 




 




Adduunka ku ciilan,




 




 




 




Anaa cudha haysta,




 




 




 




Anaa  cabdillaahi,




 




 




 




Wargeys u ah caydha,




 




 




 




Caloosha danleyda,




 




Anaa cabbiraaya,




 




Anaa carrabkayga,




 




Xammaalku cabbaayo,




 




U diiday cir-weyne,




 




In aan ku casuumo,




 




Nin kuu cudud sheegtay,




 




Dhashaadana caydhshay,




 




Nimuu camalkiisu,




 




Jar dheer kala ciiray,




 




Nin ceebta korkiisa,




 




Caddaan ugu taalla,




 




Aroorba cid saara.




 




Maxaad u cawaansan?




 




Gunaanadkii waxaa si kulul u dhaleecaynayaa sida xooga leh ee ciidankii shacabka u shaqaynayay loo addeegsaday.




 




 




 




W/Q: Maxamuud Maxamed Axmed




  HARGEYSA, SOMALILAND




 E-MAIL:mmmmahmed770@gmail.com




 




         Cellphone:0634166381