Wednesday, April 9, 2014

Jawaab Siilaanyo Iyo Siyaad ?! Denbay Kala Boobayaan, Dushooda Ma Eegayaan Si Bay U Dar-Jiidhayaan, Dalqay Wax Ku Eegayaan C/Xakiim Axmed Cali ( Qalinmaal)


Xaqa qoraalku leeyahay ayay ka mid tahay runta iyo toosnaantu, iyo in lagu saleeyo hadba dhacdada laga hadlayo iyo in la muujiyo tusaalayaal maskaxda akhristuhu ku qanci karo. Waxaana ka reeban been abuurka iyo damac ku salaysan jahliga aan dhaafsiisan doonista calooshiisa iyo cankiisa.




 




Waxaynu ku jira qarnigii kan jaahilka ahi caalimka la doodayay, kan waalanina ka miyirka qaba la yaaban yahay,  nacaskuna wax kasta fasax u yihiin.




 




Isbarbardhiga (Comparing two things) laba arimood waxa lagu saleeyaa inay marka hore yihiin kuwo wadaaga arimoo asal (Original) oo iyaga gaar u ah.




 




Taasi ayaa keenaysa in mid kastaa waxa uu ku wanaagsan yahay la sheego, khaladkana la qoro ka dibna halkaasi laga soo saaro kan faa’idada badan (Advantage/disadvantage), taasi oo




 




muujisa kala mudnaantooda.




 




Basharka isku fac ah ayaa lagu kala saar aqoonta, kartida, xirfada, waayo aranimgada iwm. Taasi oo midkoodna lagu sheego fariid kan kalena mid aan gaadhi Karin walaalkii. Waa halka Somalidu ka tidhaa “ Uur hooyo ayaa eexashada laga bartay” waa laba qof oo walaalo ah oo kala tegay, waxaana asal u ah da’da isu dhaw iyo hooyada.




 




Kan isbarbar dhigaya Siyaad Barre iyo  Siilaanyo, waa qof aan qiimayn Karin aqoon darona ka hayso qaabka wax loo qiimeeyo, loona kala doorto.




 




Madaxweyne Axmed siilaanyo Iyo Siyaad Barre maba jiro asal ahaan waxa lagu salayn karo isbarbardhigood, waayo madaxweyne Siilaanyo wuxu kursiga ku yimi doorasho xor ah oo bulshadu ku ogolaatay cod aqalabiyad halka Siyad Barre ku yimi xoog iyo xeelad ciidan oo uu adeegsaday.




 




Haddii madaxweyne Axmed Siilaanyo la barbar dhigayo madaxweyne kale waa inuu ahadaa marka hore mid ku yimi qaabkii uu ku yimi madaxweynhu oo ah doorshao ay bulshadu ogolaatay.




 




Dhaqamadii Siyaad Barre :




 




Adduunka Allah (SW) wax uu qiimo ugu yeelay qofka basharka ah , kaasi oo la ilaaliyay naftiisa, cirdigiisa, xoolihiisa , waxaana Allah (SW) ka dhigay dhibta loo geysto qofka muslinka iyo dilkiis dunuubta waaweyn. (Kabaa’ir).




 




Markaad tidhi Siyaad Barre aya wanaagsan miyaad ilwasan tahay mise waa badheedh in Siyaad Barre ku jiray denbi Aadami galo kuwii ugu wweynaa:




 




1-      Aayadkii Allah oo uu beeniya kuna dilay wadaado muslmiin ah




 




2-      Dilka qofka muslinka oo uu xalaalaystay, isagoo ku dooday inay ka horyimaadeen maamulkiisa, adiguna waxaad tidhi wuu ogolaa dhaliisha.




 




3-      Halkee ayaa bulsho ku mideeyay ilaa wakhtiga, iyo saacadan aan taaganahay dabka Somaliaya ka baxaya waa kii uu shiday oo la garan la’ayahay si loo bakhtiiyo. Waa dilkii iyo kala kaxayntii, iyo isku dirkii Ummada uu ka dhex sameeyay.




 




4-      Madaxweyne Siilaanyo weli qof keliya kuma dilin xaq daro iyo xukun jacayl.




 




5-      Halkee ayuu Siyad Barre abaal ka galay miyaanu ahayn kii dilka ku qaaday saaxibadiisi ay isugu dhowaayeen ee la sameeyay afgembiga.




 




6-      Siyad Barre wuxu sameeyay xasuuq wadareedkii ugu xumaa abid dhulka Somalildu degto, ma kaasi ayaa masuul kale la Barbar dhigi karaa ?




 




Qodobadaasi cadcad miyaad iska indhatirtay, mise waad badheedhay?




 




Adigu malaha maba tihid kuwii Siyad Barre wax ka arkay maamulkiisa waxaad tahay kuwii barbaary intii ka danabysay oo aan taarikhda akhriyin, haddii labada midkooda aand ahayn.




 




Waxaan leeyahay Eraygii  Imaamka:




 




 




 




Waxatarka madaxweyne Siilaanyo dalka iyo dadka u qabtay, iyo waxyeeladii uu gaadhsiiyay Siyad Barre ayaad isku khaladay, adigoo magic Muslin leh oo ay ahayd inaad runta been ku daboolin, xaqan baadil ka hor marin.




 




 “Whatever you are, be a good one”




 




Denbay kala boobayaan




 




Dushooda ma eegayaan




 




Dux bay kaga fooraraan




 




Si bay u dar-jiidhayaan




 




Dunuunuc bukay liqeen




 




Dalqay wax ku eegayaan




 




Dibnay la haliilayaan




 




Dedaal ma haleelayaan




 




Daryeel ma hanbaynayaan




 




Dardaaran ma dhuuxayaan




 




Digniin ma dhabaynayaan




 




Dharaar kama doodayaan




 




Halkay ku dambaynayaan




 




Dayow kama toosayaan.




 




Abdi_Mustafe123@yahoo.ca