Sida aynu la wada socono waxaa dhagaha bulshada ku soo dhacaayey baryahan danbe hadalo aad u foolxun oo dhaqan ahaan aan u wanaagsaneyn dalkan curdinka ah ee Somaliland iyo madaxwaynahena Axmed maxamed maxamud (siilaanyo)
Dhaqan-kaas oo aan horey loogu arag intii Somaliland xoriyadeeda la soo noqotay.
Laguna yaqaaney taliski macan-gaga ahaa ee siyaad bare,
Waxaa maanta wadanka taladiisa gacanta ku hayaana waa muj,axmed siilaanyo,
Hadaba ma is odhan kartaa muj;Axmed siilaanyo ayaa shabihi kara siyaad bare?
Su,aashu waa maya waayo siilaanyo waa mujahid wadanka u soo dagalamay sidaas oo ay tahayna maanta magacii siilaanyo waxa marag ma doon ah, in inta ugu dhaw ee beeshisa ka soo jeeda ay wax yeelo wayn gaadhsiiyen magacii siilaanyo iyo qiimihi bulshadu u haysay,sidii siyaad bare ku dhacdey oo kale,
Ma waxad ogayd sidii wasiirka duulista maxamud xaashi ka yeelay madaarki cigaal air port,oo maanta markale dhagax indha sarcaad ah la inoo dhigay si xagaaga loo xidho,sababtuna ay tahay sida wasiirku ka yeelay ama u maamulay dib u dhiska madarka caasimada,iyadoo sidii la doonayey aan loo dhisin marnaba lana lunsaday kharashki dayactirka madaarka.
Ma waxad ogayd wasiirka macdanta xuseen cabdi ducaale sida u ka yeelay shirkadihii shidaalka baadhayey, oo malaayin doolar inta u ka qaatay hadana aad ogaydeen halkay ku danbeysay hawshi shidaal baadhista oo sidii la doonayey aan loo fuliniin xaalado deegan aw-geed.
Ma waxad ogtihiin wasiirkan madaxtooyada ee heesaha u samaystay hantida umada ee wadooyin ayaan sameynayaa meel walba taagan ee indhihiisu lacag mooye wax kale arkaynin,horta yaa kala xisaabtama dhaqaalahan uu dahab shiil ku urursado? waa waxa aad isweydiinayso wax yaabaha dhacaaya maanta.
Maantana waxan marnaba inaga qarsooneyn nin magaciisa la iigu sheegay baashe cawil oo ku magac dheer (new moorgan) oo siilaanyo sodog u yahay in mashaaric laga siiyay madaxtooyada.isagoo madax-banaan xil wadanka uu u hayaana jirin,horeyna dalka kinya lagu qabtay lacag boqolaal kun oo doolar isagoo boorso ku sita madaarka jomo kenyata ee magaalada neyroobi.
Hadaba marka intaas oo dhacdo aad maqasho waxay ku xasuusineysa nidaamki siyaad bare wadanka ku maamuli-jiray.
hadana ma odhan karo siilaanyo dariiqi siyaad bare ayuu wadanka ku maamulaa,laakin waxay tahay in maamulki dalku u gacan galay koox isku xidhan oo wadanka u heshiiyay sidii hanti iyo boob qaawan ay uga gaysan lahaayeen,tiina way u suurta gashay wana taa maanta wadanka ka socota ee cidna wax iska waydiinayn.
Waxaynu arkaynay intay madaxweynihii kaxaysten waa kooxda isku xidhane inay yidhaahden dabaalo ama isku day in aad orodo, makarayadu talada uguma jirtee ilayn meel ayaa u cad oo inay wakhtiga ku kordhistaan ayay ula muuqataaye waa aragtidooda gaabane.
Hadaba maanta madaxweyne siilaanyo gurmad ayuu u baahan yahay.
Hadi kale meel dheer ayaa laga eegi hantida umada habeen iyo maalin laga guranaayo,
Madaxweynahana magac xumo intaasi ugu filan,
Xaalkeenuna waa ducatayoo
Waxba may dhalin,
Wax la diido mooyee
Wax is dooriyaan jirin,
Maxaa moorgan iyo duf ku naax inaga galay maxay inoo soo sidaan waxay inaga sii sidan mooyee,
Madaxdi Somaliland soo martay waxaney isku dayin ayaa maanta ka muuqda madaxtooyadena,
Taarikh xun ayaaney ku noqon doonta siilaanyo,qof kasta oo qarankan lexe-jeclo ka haysana
Masuuliyad ayaa ka saran qaranka Somaliland,
Alla mahad leh
c/rahman omer ibrahin hargeysa (shiine_87@hotmail.com)