Thursday, April 10, 2014

Somaliland:Warbaa ugu Gaajo kulul Wariyeyaasha? Daawo


Wasiir Shir-jaraa’id oo saacad socday iskaga difaacay Eedaymo Xafiiskiisa ku biiray.Daawo




Xidhiidhka Wariyeyaasha iyo Masuuliyiinta Dawladda ilaa heer Madaxweyne oo xumaaday iyo qayb ka mid suxufiyiinta oo Garowshiyo ka bixiyay Khaladdaadka Mihnadleyaasha..




GNA “Dhacdo wareedyo layska hortaagay Suxufiyiinta oo la soo wariyay+War-murtiyeed “SONSAF””Akhri Warbixin xiise badan..




kalshaaleSaacaddu waxay ahayd abbaaro 11:00-kii Barqannimo ee Arbacaddii Maanta 09.4.2014, cad cadeeddu waxay ahayd mid diiraamada ah, cirkuna muu lahayn wax daruur ah, inkasta oo lagu jiro xili Kaliileedka hoor-hoorka roobka Guga oo deegaamo ka mid ah Gobolka ka da’ay.




Tiro wariyeyaal ka hawl-gala Warbaahinta Dawladda iyo qaar ka shaqeeya Wargeysyada madaxabanaan ee ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa ku sugnaa dayrka Dhismaha Wasaaraddaha Biyaha iyo Macdanta iyo Tamarta Kaambool wada degen.




Wariyeyaasha ayaa ka qayb-gelaya shir jaraa’id oo labadii Maalmood ee u dambeeyay loo dhegtaagayay, kaasoo uu qabtay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo eedeymo isbiirsaday oo looga soo jeediyay Heshiisyada Shirkadaha Shidaalka uu la galay oo ay asxaabta siyaaasadda qaarkood sheegeen inuu musuqmaasuqay,warbaahintuna dhaliillo ka qortay.




Mid ka mida Askarta Ilaalada Xafiiska Wasiirka ayaa ku sugnaa Albaab dhinaca Galbeedka ka soo eegaya barxad Wariyeyaashu joogeen, waxaana  halkaasi ka soo muuqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Gabadh Xoghayn u ah Wasiirka Wasaaraddaasi.




Labada xubnood ayaa qorsheynayey baratakoolka Shirka jaraa’id. warbaahinta ayaa loo diyaariyay Liis qoran oo tiro cayimann oo Hay’addo warbaahineed magacyadooda  laga xaadiriyey, laakiinse ilaa shan iyo toban suxufi ayaa goobta ku sugnaa, qaar kalena waxay yimaadeen xili dambe.




Cabdi-rashiid Cali Sheikh waa Faallo qore, ka tirsan Wargeyska Jamhuuriya oo uu wax ka qoro qaybta arrimaha Siyaasadda.




Askariga Albaabka joogay ayaa u diiday inuu gudaha Xafiiska u dhaafo, isagoo si fool xun dib ugu soo riixay Suxufiga.




Wariyeyaal kale oo badan ayaa ku soo uruuray Afaafka Xafiiska Wasiir Ducaale, kuwaasoo dhamaantood ku qammaamayay Shirka jaraa’id “Warbaa ugu gaajo kulul”Maah-maah hore”.




“waar Xafiisku hadii wariyeyaasha oo dhan laysugu yeedho ma qaadayee, inta halkaa ku qoran uun soo daa”sidaasi waxa Askariga Albaabka joogay ku amray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo ah nin ku cusub xil sare oo ka mid Laamaha Dawladda.




“Agaasime ha odhan sidaasi intayada halkan joogtaa xaqbaanu u leenahay inaanu warkan qaadano, waayo waa waajibaad na saaran oo Dastuuri ah”sidaasi waxa ugu hal celiyay Agaasimaha mid ka mida wariyeyaashii goobta ku sugnaa.




Agaasimaha Wasaaradda Macdantu, isagoo ka jawaabaya hadalka Suxufiga waxa uu yidhi hadal aan meeshaba laga filayn oo qadaf ku ahaa bahda Warfaafinta “dee idinkuna iminka waxaad  noqoteen sidii darawaliinta oo kale, waar inta aanu halkaa ku qornay mooyaane cid kale ma gelayso”ayuu yidhi.




Hadalkaasi  ayaa ahaa mid agaasimaha Maskaxdiisa ka guuxayay, isla markaana salka ku hayay muran la sheegay inuu dhex maray Gaadiidley ka cabanaya qaabka Wasaaraddu u maamushay Kiraynta Gaadiid Shirkaddo Macdan sahamin samaynayaa loo kiraynayo oo wasiirka ay darawaliintu ku eeddeeyeen inuu qayb ka mida uu Qabiil ku qaatay, qaarna eryay.




Intaas ka dib Agaasimuhu wuxuu galay Xafiiska Wasiirka, waxaana isku soo hadhay wariyeyaasha iyo Askarta, inkasta oo uu xafiiska ilbidhiqsiyo ka dib ka soo baxay Sarkaal Wasaaradda u qaabilsan warfaafinta.




Si kastaba ha ahaatee waxa la xaadiriyay Suxufiyiintii Shirka looga yeedhay, kuwaasoo markii mid mid magacyada warbaahinta ay ka socdaan loo yeedhiyay albaabka xafiiska xawaare ku dhaafay , isla markaana gaadhay qolka wasiirku warka ka bixinayay.




waxba iskamay bedelin go’aankii Agaasimaha oo dibada ayaa lagu hor-istaagay Suxufiyiintii kale ee aan Hay’addahooda warbaahintu Liiska ku jirin, kuwaasoo mid mid uga huleelay goobtaasi.




Shirkii Jaraa’id.




wasiirka macWasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shirkiisa jaraa’id oo socday Saacad dhadhow, hadaanay ka badnayn kaga war bixiyay Heshiisyo tiro badan oo uu la galay Shiraa’ig kala duwan oo doonaya inay Baadhis Shidaal iyo Macdaneed ka fuliyaan dalka.




Waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin Asxaabta Mucaaridka ah iyo Warbaahintu ku eedeeyeen maalmihii la soo dhaafay, kuwaasoo ay ka mid tahay lacag Xaqu-qalin ah oo uu ka qaaday dhawaan Shirkad Macdan Sahaminaysa , taasoo xisbiga Ucid sheegay inaan ku dhicin Qasnada Dawladda ee uu Wasiirku Jeebkiisa ku shubtay.




Saddex Su’aallood ayaa la waydiiyay markii dhamaystay warbixintiisa, sidaa waxa Gobanimo u sheegay Wariye ka qayb-galay Shirka, kaasoo intaasi ku daray inay ku daaleen dhegeysiga hadalka Masuuliyiinta i-sbaraxay.




Halka ka daawo hadalka Wasiirka oo socda 44 daqiiqo:




https://www.youtube.com/watch?v=ygqfl-sSEck




Suxufiyiinta ayaa laga hor istaagaa ka qayb-galka Shirarka Jaraa’id ee Madaxda Dawladda qaarkood, taasoo ka hor imanaysa Ixtiraamka uu Dastuurku siiyay Saxaafadda dalka oo si buuxda loogu beyaamiyay inay Wariyeyaashu xaq u leeyihiin inay wararka ka soo gudbiyaan meel kasta oo dhacdo ka jirto.




Masuuliyiinta Dawladda ayaa Dastuurku lagu faray inay suxufiyiinta u fuddudeeyaan sidii ay Bulshada ugu soo gudbin lahaayeen dhacdo wareedyada qaran iyo kuwa fariimaha kale ee cusub ama Bulshada lagu wacyi gelinayo.




Laakiinse in Wariye laga horjoogsado Shir jaraa’id oo Wasiir qabanayo ayaa meel ka dhac ku ah hawl-qabadka Dastuuriga ah ee warfidiyeenada, kana hor imanaysa qodobka 32 ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeerarka Saxaafadda dalka u yaala.




Sidaasooy tahay,  xeel-dheerayaasha Saxaafadda qaarkood ayaa ku doodday inay duruufi keentay talabadan lagula kaco xirfadleyaasha. “anigu waa sax odhan maayo Wariye in loo diido ama laga hor istaago goob war lagu bixinayo oo waliba Masuul dawladdeed ka hadlayo, laakiinse hadana Saxaafaddu tiradiibay ka badatay oo meel hadii shir-jaraa’id ka dhaco waxa isugu imanaya tiro aanay qaadayn Xafiisyada badankoodu”sidaasi waxa yidhi Mustafe oo ka mida Tafaftiraha Wargeys ka soo baxa Hargeysa.




Dooddan ayaa ah mid laga garaabi karo marka ay timaado, hase ahaatee maaha mid qiil u noqonaysa talaabada Masuuliyiinta Wasaaradda Macdantu afar shanta wariye ugu diideen Shirka Wasiirka oo si weyn loogi dhegtaagayay.




Sababtoo ay tahay tiradda wariyayaasha gudaha galay ee shirka ka qayb-galay aad ayay uga koobnayd badnaan kasta oo andaco looga dhigo arrintan, sidoo kale, waxay u badnaayeen kuwo ka hawl-gala Warbaahinta Dawladda iyo Hay’addaha kale ee Xukuumadda gacan-saarka la leh.




Sidaasi darteed dhacdadan oo aan goob-joog u ahaa waxaan u arkaa mid ka mid ah gabood fallada iyo caqabadaha kale ee xoriyaadka  Suxufiyiinta lagu dhaawacayo, kuwaasoo isugu jira xadhig, xayiraad la saaro xafiisyo warbaahineed, hanjabaad loo geysto Wariyeyaal iyo waliba in layska hortaago Shirarka caadiga ah.




FG: ka sekow Kiiskan aan soo warinay ee ka dhacay Xarunta Wasaaradda Macdanta, aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay noqday meel lagu curuuruqaysto, laguna bahdilo Saxaafadda.




Guud ahaanba shirarka kooban ee halkaasi lagu qabto ayaa saxaafadda badankeeda laga hor-joogsadaa, marka laga yimaado tiro Telefishanno tirsan ah oo marka loo baahdo in Muuqaal laga diyaariyo ama masuul hoose hadlayo, Taleefoonka lagu dalbo.ka dibna  Askarta Al-baabka taagan magacyadooda loo dhiibo.




Kuwa kale ee isku daya inay war halkaasi ka soo duubtaan ayay Askartu dib u caydhiyaan, inkasta oo mararka qaarkood Masuuliyiinta Qasriga gala-baxayaa ay caawimo ku siiyaan inay fariin ugu gudbiyaan Xafiiska Warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada,kaasoo saraakiisha joogtaa si cago jiid ah askarta u soo dhaafiyaan, markay doonaanna iska dhego mariyaan.suxufiyiin




Saxaafad“Warbaahinta Qoraalka ah ee isugu jirta Wargeysyada iyo Website-yada wararka waxa loogu soo diraa Email, laakiinse doorasho iyo xograadin dheeraad ah xaq uma laha”.




Halkan Guji: War-murtiyeed Saxaafaddu ka soo saartay Hagar-daamooyin iyo caqabaddo farsamo oo ku gedaaman hawl-gudashadooda/  




Habdhaqanka noocan ahi waa mid niyad ku keenay xirfadleyaasha, kaasoo Hay’ada  ugu saraysay qaranka iyo kuwa siyaasad ahaan hoos yimaadaa ku liciifinayaan hawl-gudashada  dadka Bulshada xogta iyo xaalad wareedyada u gudbiya ee maxaliga iyo Caalamiga isugu jira, kuwaasood moodo haatan inay dulmigan la qabsaddeen oo aan wax dood ah kala hor iman.




Waxaana xusid mudan in Dhamaan dhacdooyinkan aan xusnay ay yihiin kuwo aan bilow ahayn oo muddo dheer soo socday, hadba marxalad ha taagnaadeene,kuwaasoo ay wariyayaasha Gobanimo u soo wariyeen Markhaati-gal.




 waxaana wax ka qabashadda arrimahan looga magan yahay madaxda kala duwan ee dawladda.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com