Thursday, April 10, 2014

Atlantic Madrid oo u quus-goysay Barcelone iyo Buyernmunich oo dubatay Man-United


Kooxaha barcelona iyo man-united ayaa rajadoodii ay championska ka qabeen lasoo af jaray kadib markii xalay labadoodaba guul daro afka loo daray ciyaarahan oo kamid ahaa kuwa loogu baxaayey semifinalka champions league




hadaba labada kooxood ee isbaanishka kawada dhisan ee Atlantic madrid iyo barcelona ayaa ahayd mid aad iyo aad u xamaasad badnayd isla markaana ay soo buux dhaafiyeen kumanaan taageereyaal ah, ayaa waxa halkaas ka dhacay wacdaro la isbaday labada dhanba iyadoo saadaasha ay dad badani ka bixiyeen kulankan ay noqotay mid riyo ah. Atl.Madrid oo gurigeeda lagu ciyaarayey ayaa la timid gool ay ilaa todobaatan daqiiqo in leeg ay xajistaan isla markaana ay bilaa gool kala caraawday barcelona.




dhanka kale man-united oo marti u ahayd Buyermunich ayaa iyadu awood ay isbaday soo noqodka lugtii labaad ee ciyaarta ay gool ku keensatay iyadoo dad badani ay islahaayeen ama ay u hibeeyeen manchester united inay u baxdo semifinalka ayaa waxa taas soo gabagabaysay kooxda horyaalkan championska ah difaacanaysay ee munich halkaas oo ay gadhka u gelisay saddex gool, sidaasna kaga degtay wareega semifinalka championska iyadoo ay is wajahi doonaan kooxda soo jiidhay barcelona ee Atlantic Madrid