Wakhti yar ka dib markii uu dhamaadey dagaalkii labaad ee dunidu.
waxad moodesysey in bulshooyinka adduunyada ku dhaqan caqligoodii suulsanaa uu soo doogayo oo uu si fiican u shaqaynayo.
sababta arintaa keentey ayaa waxa la odhan karaa waxaa dacar laga leefahay oo dhibtiisii la dhadhamiyey dagaalkii oo ay ku nafwaayeen dad lagu qiyaasey 60.000.000 lixdan milyen oo qof oo u dhigma 2.5% dadweynaha adduunka ku noolaa markaa.
24-oct-1945 waxa leysla meel dhigey iney dunidu qawaaniin iyo distoor ay ku wada dhaqanto oo ilaaliya sameysato halkaas oo ay iskugu yimaadeen 51 kow iyo konton dal oo sameystey midowgii quruumaha LEAGUE OF NATIONS halka imika wadamada xubnaha ka ah ay yihiin 193 dal.
hadaba waxyaalaha ugu muhuiimsanaa ee leysla meel dhigey si aanu u iman muran ka aloosma xagga degenaanshaha dhulka oo qeexaya in aanu wadan keliyihi odhan karin halkaa berigii hore ayaanu degi jirey ileyn ilaa nebi aadan ayaa lagu soo noolaa dunidee.
isla markaa qolo kastaa halkaa ay degen tahay uu dhulkoodii yahay soohdimihii gumeystuhu ka tagey ay yihiin lama taabtaan iyo xudduda keliya ee lagu aqoonsan yahay jiritaanka dal.
hadda jaantuska juquraafi ahaan iyo siyaasad ahaanba gobbolka sool waxa uu ka tirsan yahay soomaaliland.
marka la eego qawaaniinta dunidu dhigatey. waxase dhibaato ah in dadka ma garatada ah lin si khaldan looga dhaadhiciyo iyada oo la leeyahay ama laga soo geleyo halka ugu jillicsan lana odhanayo reer hebel ayeynu isku qollo nahay markaa reer hebel kan kale ee waxbaa inaga dhexeeya leh raaci mayno oo markaa qabyaaladu kala weynaato wax kasta.
marxaladna ilama aha in laga gudbayo si gobbiladani horumar u sameystaan oo wax la qaybsadaan dadka ilaah meel ku wada uumey ilaa aqoonyahankeedu waxan ka hadlo oo uu si xor ah u hadlo. isla markaa la fahansiiyo in arinka juquraafiyada siyaasada iyo ka qabyaalada qola ahaaneed ay laba kala yihiin.
haddii maanta dhulbahante leeyahay waxanu nahay harti oo kuwaas pussyland ayaan raacaynaa oo isku harti ayaan nahay. waxa tusaale ugu filan qollada ZULU waxay degaan wadamo farabadan oo uu ka mid yahay, koonfur afrika,, zimbabwe,zambia,tansania iyo musambique.
cid ka badanina ma jirto, kumana dhacaan in ay yidhaahdaan anagu isku qollo ayaan nahay oo wadan gaar ah oo iskii u madaxbanaan ayaan noqoneynaa.
sidoo kale dadka la yidhaa kurdishka, waxa lagu qiyaasaa 30.000 soddon milyan.waxay degaan galbeedka eeshiya oo ay ugu badan yihiin gobbolka kurdistan. inta kale waxay ku kala filiqsan yihiin qayb Ciraaq degen, qayb reer Iran an oo muwaadiniin afkooda kurdish ku hadla ah.
waxa kale oo ku kala baahsan yihiin galbeedka Turkiga, Armenia, Gorgia, Azerbejan,Russia,Lebnon, iyo Israel. kuwaas oo sanadihii 1991 bilabey iney sameystaan kuwa Ciraaq daal madaxbanaan oo ay ku soo mideynayaan Kurdishka degen dalalka Turkey, Siria iyo Iran oo ay noqdaan qaran madax banaan, hase yeeshee riyadaasi wey ka socon weydey.
waayo maaha wax waafaqsan charterka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa. maanta wallaalaheena gobbolada bariga waxay ahayd in wax badan lala qabto la soo saaro filyar cusub laga hirgeliya kaabayashii aasaasiga ahaa ee waxbarashadu ka kow tahay, caafimaadka iyo biyaha.
hase yeeshee waxa iska muuqata in maanta aad arkeyso qayb ka mid ah oo uu kubbad ka dhigtey inanka muqdisho joogaa. qayb kale oo uu adeegsanayo inanka pussyland joogaa. waa ceeb in beeshan lagu cayaaro oo qolo kastaa barnaamij ku shubato oo ay ku shaqeystaan.
waxa qurrux badan in ay la tartamaan dadka uu dhul, dheef iyo dhaqanba ka dhwexeeyo ee reer soomaaliland. soomaaliland tana waa ku ceeb iney tidhaahdo ciidanka qaranka oo qabsadey talleex.
waa halkee talleex?, ma itoobiya ayey ku taal miyaaney somaliland ku ool?
ciidanka soomaliland dhulkiisa meeshu doono wuu dejin karaa qaar ka mid ah guutooyinkiisa mana aha qaar duulimaad ku ah dadkiisa hase yeeshee waa qaar aan marna ogolaaneyn faragelin shisheeye.
WACAYS AXMED MAXAMUUD
BARRE ADDUUNYO
frankfort germany
bareadunyo@gmail.com