Reysal-wasaare C/wali Sheikh: Muqdisho waa laga sifeeyay Walxihii laysku qarxin jiray”Beyaan cad
GNA“Saddex Qof ayaa xalay lagu dilay Muqdisho”!Kala maan
Muqdisho, 09, April, 2014(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay, kulan lagu shaacinayey guul laga gaaray hawl-galo lagula dagaalamayay waxyaalaha qarxa oo laga sifeeyey magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Maamulka Gobolka Banaadir ka mid yahay.
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa ku dhawaaqay warka ah in magaalada Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa, inkasta oo habeennadii u dambeeyay dilal qorsheysan oo dad badan lagu laayay laga fuliyay Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa gacan ka geysatay sidii loogu guuleysan lahaa hawshan caasimadda lagaga sifaynayey waxyaalaha qarxa.
“Ma dooneyno in dadkayagu ay ku sii jiraan nolol cabsi iyo deganaansho la’aan ah. Carruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan mustaqbal aanay ku jirin cabsi iyo argagax. Waxa ugu muhiimsan waa in carruurteennu helaan nolol wanaagsan” ayuu yiri Re’iisul Wasaare Cabdiwali.
"Maanta waxaa war lagu farxo ah in aan ku dhawaaqno in Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa.Masuuliyad ayaa naga saaran in aan dalka ka ciribtirno waxyaalaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinteenna. Waxaan u mahadnaqayaa dhinacyada naga taageeray fulinta hawshan muhiimka ah” ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali waxa uu sheegay in hawlaha dalka lagaga sifaynayo waxyaalaha qarxa aanay ku koobnayn caasimadda ee waddanka oo dhan laga samaynayo si loo helo qaran aanay muwaadiniintiisu ka cabsi qabin in dhibaato ka soo gaadho waxyaalaha qarxa.
Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa tilmaamay in waddanku uu ku soo jiray tobanaan sano oo nolol lagu waayey sabab ka dhalatay waxyaalaha qarxa, iyadoo magaalada Muqdishona ay ka mid ahayd meelaha ugu daran maadaaama ay ka dhacayeen dagaaladii ugu badnaa.
Ka sifaynta waxyaalaha qarxa ee magaalada Muqdisho ayaa u taagan libin muhiim ah, waxana ay muujinaysaa sida Soomaaliya ugu socoto dariiqa is-bedelka iyo horumarka.
Inkasta oo uu Reysal-wasaare Sheikh sidaasi ku dhawaaqay, hadan wali xaaladda amni ee Muqdisho maaha mid cago adag ku taagan, waxaana xalay dilal qorsheysan lagu dilay ilaa saddex qof oo ay ku jiraan Sarkaal Nabad-sugid ah iyo Xaaskiisii oo Gurigooda lagu weeraray.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com