Waxaa xalay dhacay sheeko aanay dad badani filaynin, waloow aan meesha laga saari karaynin inay dhici karto, kooxda PSG ayaa lugtii hore 3-1 uga soo adkaatay Chelsea sidaa darteed waxay is lahaayeen waad soo baxdeen inta badan, hase yeeshee markii ay tageen Stamford Bridge waxaa digaagoodii dubtay kooxda Blues oo 2-0 ay u baahnayd uga badisay.
Marka ay sidaasi dhacdo dabcan waxa ugu dambeeya ee aad filan kartaa waa Mourinho oo kaftamaya, waana waxa dhacay oo isagoo waraysi toos ah siinayay hilinka Talyaaniga ah ee Sky Calcio HD ayaa la waydiiyay: â€Waxaa soo galay Schurle oo gool buu saxeexay, kadibna waxaa soo galay Demba Ba oo isna wuu dhaliyay.