Wednesday, April 16, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka ka socda Uk.Dhegeyso


hoos ka Dhegeyso:Wasiirka UK oo booqday Xarunta Dambi baadhista ee C.I.D-da iyo xafiisyo kale oo dawladdeed iyo kulamo uu la yeeshay Masuuliyiinta amniga gudaha Somaliland iyo Faahfaahin ku saabsan kulankii Madaxweynaha uu la yeeshay..




IMG_0003Hargeysa(GNA) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Mark Simmonds oo booqasho ku yimid dalka.




Kulankan oo ahaa mid saacado badan qaatay waxa ka xogwaramay wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, isaga oo ka hadlay xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda Ingiriiska




Waxa sidoo kale ka hadlay isna Mr. Mark,oo sheegay xidhiidhka labada dhinac inuu aad u wanaagsanyahay




 




Halkan ka dhageyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, Wasiirka ka socda Uk, ayaa booqday qaar ka mid ah Xafiisyada dawladda ee Magaalada Hargeysa.




Xarumaha uu booqday, waxa ka mid ah xarunta Dambi baadhista oo dhisme cusub laga yegleelay, kaasoo ay maal-gelinayso dawladda Ingiriisku, isla markaana dhawaan dhismihiisa la bilaabay.




Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiil ka tirsan laamaha amnaaka, ayuu  xarunta C.I.D-da kula kulmay Mr. Mark.da




kulankaasi oo ahaa mid aan Saxaafadda loo ogolayn, ayaa sida ay sheegayaan ilo-wareedyo Gobanimonews heshay, waxa lagaga wada hadlay, ayaa sheegay in xubnaha Dawladda Somaliland Wasiirka UK faahfaahin ka siiyay qaabka ay hawsha dhismuhu u socoto.




Dawladda Uk, ayaa Somaliland ka caawisa dhinacyada horumarinta Hay'adaha amniga iyo kuwa adeegga Bulshada.




Dhismaha Xarunta Dambi-baadhista Dawladda ayaa ka mid ah Mashaariicda ugu waaweyn ee ay sanadkan ka fulinayaan Somaliland.




Wasiirka ka socda Dawladda Uk, ayaa saaka ka soo duulay Magaalada Muqdisho oo uu shalay booqasho tan la mid ah ku tegay.




Magaalada Muqdisho ayuu kula kulmay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Laamaha dawladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.




Mr. Mark, ayaa Dawladda Somalia u balan qaaday Taageero dhaqaale si amniga dalka gacanta loogu wada dhigo.




Dib u dhiska Ciidamada kala duwan ee dalka iyo dib u soo noolaynta Kaabeyaasha Bulshada ayaa ka mid ahaa waxyaabaha uu Madaxweyne Xasan Sheikh u balanqaaday inay dawladdiisu ka taageerayso.




Mustafe Faro




Gobanimonews




faroole1984@outlook.com