Taalo Taariikhi ah uu ku dhejisnaa Sawirka Madaxweynihii hore ee Somaliland ee Geeriyooday AHN Maxamed X Ibraahim Cigaal, taasoo ka dhsinayd Magaalada Berbera ayaa gabi ahaanba la dumiyay.
Waxa goobtii Kaabaddu ahayd laga Dhisayaa kaabad siman amma wareegsan isla markaaana aan lahayn wax calaamadda ah oo lagu garto marka laga yimaado calaamadda siirooga ah, taasoo aan lahayn Sawirkii.
Kaabaddan oo lagu xasuusan jiray AHN ee Marxuum Cigaal oo Taariikhda Somaliland ku suntan, ayaa ka dhisnayd meesha loo yaqaano kala-baydhka, waxaanay ka agdhaweyd Xabaasha Marxuumka.
Ilaa hada lama Oga sababta ka dambaysay duminta kaabadaas taariikhiga ahayd ee halkaasi Ku taalay.
Sidoo kale dawladda hoose ee magaaladda berbera ayaan ilaa imika wax u dhigma ama calaamad ah aan ka samayn goobtii, walaw ay goobta weli ka muuqato xooga qabyo ah marka laga hadlaayo xaga Dhismaha kaabadda.
Is-waydiin xoog leh ayaa ka taagantahay, waxa lagu bedeli doono ama waxa calaamad looga dhigi doono goobtaasi.
Sawirka Kaabadaas ku yaalay ayaa ka turjumayay dareen qoto dheer, kaasoo laysweydiinayo waxa lagu bedelayo.
Sacad cali Kaahin (plucky)
Berbera/ Somaliland