Thursday, April 10, 2014

Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Sarkaal geeriyooday


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




 




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Illaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Ciidamada kala Duwan ee Qaranka Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Saddex Xidigle (Jaamac Xirsi Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Illaalada Madaxtooyada JSL, kuna Geeriyooday Maanta 09.04.2014 Magaalada Hargeysa laguna Aasay,




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Ciidamada Dalka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.