Hargaysa(GNA) Guddoomiyaha darawalada baabuurta u baxa taraaga ee ay haay’addahu kiraystaan ayaa eedo u soo jeediyey wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland xuseen cabdi ducaale. Darawalada gaadiidkan ayaa mar ay warbaahinta qaar kula hadleen wasaarada macdanta iyo tamarta horteeda ayaa Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen inuu darawalka wasiirku hab-beelaysan ugu qaybiyey gawaadhidii codsiga usoo dirsatay wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland.
Darawaladii gawaadhida ayaa saaka cabasho la hor tagay wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland balse Balse Halkaasi kala maa ay kulmin cid cabashadooda dhagaystay waxaana loogu jawaaba”cidii loo baahnaa waa la qaatay”Sidaasna waxa yidhi guddoomiyaha iskaashatada gaadiidka ubaxa taraaga.
hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaan maanta doonayaa aniga oo ah guddoomiyaha baabuurta halkan taagan,muddo imika ku dhaw dhar iyo toban cisha ah waxa la lahaa waxa la kiraysanayaa baabuur taas oo loo kiraynayo haay’adda baadhista ka wada shidaalka wadanka somaliland ee uu hogaaminayo wasiirka wasaarada macdan iyo Tamarta somaliland ayaa maanta darawalka wasiirku hab qab-yaaladaysan u kala xusha ragaas gawaadhida wada watay ee rabay in ay kiraystaan.
Guddoomiyaha baabuurta sareefta ah ayaa darawalka wasiirka wasaarada Macdanta ku adeeyey in ay hab qabyaaladaysan ukala xusheen gawaadhidii meel ka wada bixi jirtay qabyaaladna dhexe dhigeen waxaana uu yidhi” “darawalka wasiirka ayaa xalay saqdii dhexe qaar ay wasiirka isku hab yihiin u kireeyey saaka markaanu unimi nagu yidhi waxaasi xalay ayey dhamadeen,markaas waxa habeen dhamaanaya oo dadwayne ka dhaxeeya in ay xaraan yihiin sidaas ayaa ku garan kartaa,marka hore baabuurta siifii ayaa la qortaa oo loola tagaa wasiirka iyo cid ka masuul ah gawaadhida ee markaas loo xilsaaray,lakiin marka uu darawalka wasiirku awood u yeeshay in dadkaas maskiinta ah uu dulmo waxaanu leenahay arinkaasi waa xaqdaro iyo dulmi aan loo dul qaadan karin.
Dhinac kale waxa ay wasiirka ku booriyeen inuu arintaas wax ka qabto waxaana ay yidhaheen”anagu waxaanu wasiir doonaynaa cadaalada iyo inaada nagu maamushid sinaan lakiin inaad inta reerka ah kala soo baxdid manaan filanayey waxaana nasii daro usoo hoytay hadii aad anaga maanta nasoo dhexe galiseen qabyaaladii ragayagii isku meel kuwada ceeshi jiray arinkaas waxaanu aragnaa cadaalada daro aanu ka tirsanayno wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland iyo cidii ka tirsan ee hawshaasi qaabil sanayd.