Nairobi(GNA)-Bilayska Kenya ayaa wali xaafadaha Nairobi ee somalidu ku badantahay ka qabqabanaya dadka somalida ah ee aan haysan dhalashada waddankeeda.
Xaafada Islii ayaa laga uruuriyay dad kun qof gaadhaya, kuwo kalena wali waa la baadhayaa.
Dadka Sawaaxiliga ah ee waddanka u dhashay, ayaa qayb ka noqday dhibaatooyinka lagu hayo Dadka soomaalida ah.
Sawaaxiliga ayaa ah Qoomiyadda ugu badan ee ku nool Magaalada Caasimada Kenya ee Nairobi.
Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Nairobi ayaa Gobanimonews u sheegay inay Sawaaxiligu laynayaan dadka Soomaalida ah.
Wariyaha ayaa intaasi ku daray inay cabsida dadku marba marka ka dambeysa sii kordhayso.
Tuhuno ka soo kordhay Qarxayadii Somalida galaaftay.
Mid ka mida Dadka Soomalida ah ee degen Nairobi, ayaa sheegay in la tuhunsanyahay inay fuliyeen qaraxyadii laba todobaad ka hor Nairobi ka dhacay ee Somalida galaaftay Dadka Indidda ah ee Magaalada degen.
Waxa uu sheegay in xilfatan Ganacsi ka dhexeeyo Soomalida iyo Hindida Nairobi ku dhaqan,sidaasi darteed ay ku wanjalayaan Qaraxyadaasi kuwa tartanka ganacsi ka dhexeeyo ee Somaliya u dhashay.
“Qaraxyada waxa la tuhunsanyahay inay Hindidu ka dambeysay, waayo iyagaa doonaya inay soomaalida ka saaraan suuqa Ganacsiga oo tartan kaga dhexeeyo, Ganacsiga ugu badan ee ISLII iska leh Soomaali, sidaasi darteed Hindidu waxay doonayaan inay suuqaa iyagu la wareegaan”ayuu yidhi Somaligan oo Gobanimonews la hadlay.
Boqolaal Somali ah oo laga uruuriyay Xaafadda Islii iyo meelo kale ayaa wali baaqi ku sii ah xabsiyo iyo goobo kale oo lagu xabisay.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com