Wednesday, April 9, 2014

Koranto iyo Biyo la’aanta Hargeysa waxa ka dhalan kara Kacdoon iyo Duufaano siyaasaddeed


What a bombshell! The impeding sale of Hargeisa Power House is one of the current Government's failure.by: Cabdi-xaliim Maxamed Muuse




CabdixalinWaa war naxdin leh in Madaxweyne ku xigeenku ku taliyo in la xaraasho, ama shirkad private ah lagu wareejiyo Warshadda Korontada Hargeysa.




Waa arrimaha fashalka ah ee Xukuumaddan taariikhda u geli doona.




Waxan ku talinayaa in Xukuumaddu ka noqoto iibka Warshadda Korontada, taasoo keeni doonta inuu si degdeg ah u sii kordhi doono qiimaha adeega korontadu haddii uu ka wada baxo gacanta iyo maamulka Xukuumadda.




Korantadu waxay ka mid tahay waxyaabaha loo yaqaano Public Utilities ee aan ka maarmin gacan ku haynta Dawladda, qiime kordhodkoodu saamaynta weyn ku yeesho nolosha bulshada, sida Biyaha iyo Shidaalka oo la soo raaciyo. Noloshan casriga ahna aanay suurogal ahayn la'aantoodu, iyadoo si gaar ahna Biyaha loogu sheegay Quraankeena Kariimka ah inaan noloshuba jireyn la'aantood.




Waxa aan shacbiga Somaliland ka dulqaadan karin in caasimaddii Somaliland biyo la'aantii laydh la'aani ugu darsanto, shidaalka iyo badeecadaha kalena maalin walba kor u sii kacayaan, addeegii caafimaadku uu meel xun marayo. Haddii Madaxweynuhu dhakhso wax uga qaban weydona sababi kara kacdoono iyo duufaano siyaasadeed (Political Backlash) inay ka dhashaan.




Abdi Halim M. Musa