Wednesday, April 9, 2014

laba Qof oo is-qabay iyo Nin Macalin ah oo lagu dilay Muqdisho


Sarkaal Nabad Sugida iyo Xaaskiisii oo Gurigooda lagu qaarajiyay




nabadsMuqdisho(GNA)-Dilal qorsheysan oo gooni gooni ah ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.




Kooxo hubaysan ayaa  xaafaddo kala duwan ku dilay sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Dawlada iyo Xaaskiisa  iyo Macalin Dugsi quraan.




Weerarka lagu dilay Sarkaalka  Xaaskiisa lala dilay ayaa ka dhacay  Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir Kadib Markii Kooxo Hubaysan oo aan lagaranayn Haybtooda Gurigiisa ku weerareen.




Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Daahir, Deegaan ahaana waxa uu ka soo jeeda Gobolka Galmudug.




Goob-joogeyaal ayaa ku waramay inuu Xasan isku dayay inuu iska caabiyo weerarka kooxda.




Dilka kale ayaa ka Dhacay Xaafadda Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii Koox kale oo hubaysani toogteen Nin Macalin Quraan ah oo Masaajid ka soo baxay.




Dablayda dilalka kala duwan geystay ayaa baxsaday sida ay dadka goob-joogeyaasha ahi caddeeyeen.




Ciidamo ka tirsan Nabad-sugida ayaa gaadhay goobta uu ka dhacay dilka ninka waddaadka ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com