Saturday, April 12, 2014

Gabay: (Dib-qallooc) Hubaal didiye, doox Haatuf iyo Door-labkii Gobole” by: Saeed Mahamoud‏


Gabaygan waxa la yidhaahdaa Dib-qallooc. Waxa uu dabasocdaa Deelleeyda gu'yaalkan curatay ee kala ah Soodaata: heesta qaran ee Abwaan Jaamac Riyo, Garbadiir: Silsilad-suugaaneedka Abwaan Axmed Aw Geeddi furay iyo Gabaygii Digniin ee digashada u ahayd haweenka uu Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan (Abwaan-dile) xabsiga u taxaabay, u duurxulay una hanjabay...




 




Waa diiwaan koobaya dulmiyo badan oo ay ku kacday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay talada haysay. Waa hiil saxaafadeed gaar ahaanna Wargeyska HAATUF oo nabar gardarro ku dhacay...  Abwaan CUKUSE ayaa fasiri doona insha Allah..




 




Wuxuu yidhi:




 




Dahabooy Nadraay baadi-doon, waan ku deydeyaye




 




Xasan Ganay duruustuu na baray, yaan mid soo dariye




 




Lab haween u dooddiya misana, laba-dibleynaaya




 




Ragannimadu deyrkay lahayd, waa ka dibad-yaale




 




In dugaagga lagu biiriyaa, dhaanta derejayne




 




Xadhigaagga waan dibin-jaboo, diiday gama’iiye




 




Nin haween ku daabulay xabsigu, dacayda sii taagye




 




Cudur-daar masuul daaddafshaa, maag ku soo daraye




 




SOOLJAAY dabuubtaydan tebi, daw-bax loo simane




 




Daljir Xaashi, Diric Geeljirow, Darartan Faalleeya




 




Madal toosin daaddihinaysaay, dunida gaadhsiiya




 




Da’yar sharaf leh, dumar dhawrsanow, deexdan falanqeeya




 




Dawi Cali-gurow, dooddan qaran, daaji baro khayr leh




 




Iidow haddaan duro nin goba, ha igu deynta beenta




 




 




Dul-ka-hoor gu’gii shuuxay bay, heego daba-taalle




 




Diillintii xanaaq baa ka dhacay, degel Guwaantaame




 




Dafka siidhi-wade yoomiyaan, laad ku deyayaaye




 




Darbaddayda gool-wade ku dhegi, dooddu may garane




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




Dermadii markuu seexiyee, daawi xero-keenay




 




Doobbigoo sinnaan lagu cushuu, raadshay dulucdiiye




 




Dudduucii laf-dhabartaa “baf” tidhi, doogna lagu boobye




 




Diyaarado judhii loo dalbaday, Dubay la aadsiiye




 




Duqayntii, dubaaqiisu diid, debecna raadceeye




 




Cabdi-muumin duubiga ciddii, damaqday waa xay’e




 




Ma-naxii ku doorsaday hunguri, waynu dabaynnaaye




 




Daba-dhilif qofkii lagu suntaan, dooddu garanayne




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




Barde duurka inala joogay amin, Doollo iyo Qaaxo




 




Dugayeeyda, milaygay darnayd, muu dalxiis tegine




 




Dila iyo Wajaalay heshiis, qalin ku-duugeene




 




Danankiyo rasaastay Berbera, kala dullaameene




 




Togdheer maalintii laysku duray, waydun demiseene




 




Cabdiyow dedaalkaaga libin, duunku wuu qoraye




 




Dildillaac, dannuu kaa xigsaday, hanad la diirtaaye




 




Docdocayn, dul-dhaaf iyo dab kulul, deebin lagu qoolye




 




Daraygiyo Ilaah baan ku dhigin, dooyo quudhsiya’e




 




Seylici damiirkii hagaan, dooddu garanayne




 




Dixi iyo dareen igu masaal, dalagga xoolaaye




 




RRU durduro-dhiig waddaa, ha i dawaarsheene




 




Sidan ahay dir iyo daabac qori, ha igu duudsiyo’e




 




Iyagoo degaankiyo ka siman, diinta iyo xeerka




 




Iyagoo dan-guud wada-jiroo, daawo wada qaatay




 




Burco hanadka daamaha ka dhigay, dooddu may garane




 




Guuleed qabtii laguu dallacay, dooddu may garane




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




Gashaantida adoon dadab la gelin, guurna meher doonin




 




Reer Daammi, waa wada digtoor, daacad aan hubo’e




 




Dirindiirba waan naaxinnaa, maandhe deriskeenne




 




Dable iyo adeerow, xil-deri, daw umuu noqone




 




Derejiyo hoggaan way geyaan, doorna may heline




 




Dirsoocii wax loo xoojiyaan, dooddu garanayne




 




Halka Daakir laga raacaybaan, dooddu garanayne




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




Dunji Awdal-Selel wuu dafiray, Soolna darayeeye




 




Docdocayn Sanaag-bari haddoo, daymo-nacab eegye




 




Widwidh, Keyse waxay daawadaan, daallin jeedalaye




 




Duub-weyne, Golihii duqiyo, daar wakiillada ah




 




Damallada garsoorkiyo dhammaan, dookh la magacaabo




 




Dibaddiyo gudaa, maalka-daye, taliyeyaal dooran




 




Yaa dulin ka dhigay Beesha Dhexe, dooddu may garane




 




Adigoon debbelin kaartadaad, Doollow uga baydhay




 




Ictiraaf la doondoonayaan, dunidu yeelayne




 




Khaatumo maxay diiddanyiin, dooddu may garane?




 




Yaa dilay Kalshaaloo berkado, duullan ku xigsiiyay?




 




Uurbeyte yaa dooliyoo, dabada riixaayay?




 




Yaa duumo, darafyada la jecel, dooddu may garane




 




Yaa dacaarka keligii hadhsaday, dooddu may garane




 




Yaa dalbaday harraad aan wacnayn, dooddu may garane




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




“Dalkeennii nimcaa wada fadhida”, doobta lagu reenye




 




Dambarkeeda maatida lahayd, looma daro dhiile




 




Shaqallena daliilkuu cuskaday, waa daciif jabane




 




Nacnacow agoontaa dulmani, way ku deyayaayne




 




Adaa dirir leh, daaddihiya maxas, deeqna noo hura’e




 




Sahal baa dembaaboo qabruu, hoos u daaddegaye




 




Magaan duubtay, doorkiisibaa, duunyadii gura’e




 




Doxor qadiyay, gaarida dayacan, dooddu may garane




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




Dameer ciyay, Iblays buu dalcado, daaqad ka arkaaye




 




Wax diig la qaaqinahayaa, daa’iraan jirine




 




Nin deyaysan waa loo fasaxay , inu dannaagaaye




 




Darandoorshe naasnaasinbaa, looga digayaaye




 




Daauus Qurxoonow xaraggo, duugtay quruxdiiye




 




In haweenka loo duurxulaa, way na damaqdaaye




 




Dumar kula salleello ah dhankay, lagama diirteene




 




Waa hooyo ii diir-naxdoo, ii dareen-nugule




 




Waa beerta dallageedu yahay, doombir aadmiya’e




 




Quddahaagu daardaar doc aan, loo durkeen amine




 




Waa darkii codeeyee ka qaday, dabaqay moorsheene




 




Shoolli-boolli daadduunsan baan, dooddu garanayne




 




 




Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane




 




Dannood ma aha suugaantu dhure, lagu danqaaraaye




 




Dacwadaha abwaankii tirshaan, xaal u diraynnaaye




 




Diniiqow Salaan muu ahayn, goof dununuuca’e




 




Deexo Fadalyo Ina Kaahinbaa, dooxay sharaftiiye




 




Afartaasi Deelleyda shidan, diirin waw tahaye




 




Diir Geeddi furay raaciyoo, waa digniin-celine




 




“Soo-daata” baaq Jaamac bay, dulucda xoogayne




 




Gunaad iyo dabuub Weedhsamay, daba-gucleysaaye




 




Dib-qallooc Siciid waa u marag, “daallin” aan rabine




 




Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye




 




Darraataale Liibiya tahriib, dool-yar suudale’e




 




Imakaabay doonyuhu rarmaan, daabul Yurubeede




 




Daan iyo qadhiidh iyo cantuug, waw darsanaynaaye




 




Imakaaba diir lagu salliday, duuggi noo hadhaye




 




Eexdoo dalluun lagu libdhaa, dawlad loo yahaye




 




Imakaa dirsoociyo fajida, loo dabbbaal-degaye




 




Daribtiyo, darkeennii galool, wuu dubaaxsadaye




 




Imakaabu dabaq jeexayaa, diradiraaluhuye




 




Dooh iyo igmane aan la barin, dooji shacabkeennu




 




Imakaabu duuflaal amraa, daar maxkamadeede




 




Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye




 




Ducadiyo wanaaggii dheg-jaan, uma daloolaane




 




Imakaa inkaartuu dalbaday, lagu dannookhayne




 




Daacuun hadduu korodhsi yahay, daacadkiba eedye




 




Imakaanu diidmada qayaxan, boodhka daraynnaaye




 




“Dekeddiyo anaa bilis ka celin, doollar iyo moodka”




 




Dubaaqaygu weedh buu xifdiyay, maan ahayn doqone




 




Kobtu degay, damiirkaagi shalay, dooddu may garane




 




Danab Taanni, Seemaal darteed, duudka loo qabaye




 




Dallacaad waxaa helay Garaad, “Soo dilaay” yidhiye




 




Digreetada xujada loo cuskaday, dooddu may garane




 




Jidhifow diyaar waxad u tahay, daajin iyo nuure




 




Dugsi iyo hormoodnimo dhab-sheeg,  maad qarweyn duhure




 




Dayr qudha adoon talinnin-baa, danab collowdeene




 




Dibindaabyaad geysataan, dooddu garanayne




 




Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye




 




Gebiley dalkeennay u tahay, door-labkii gobole




 




Denbigii Jamaal geystayee, Caabudla’da doohshay




 




Daryeelkii agoontay rabtiyo, diir-naxaad gacale




 




Daartii Culuumaha baddana, duudsiyaa dhacaye




 




Deelqaaf Marxuumkuna ma mudnan, iil-dugsanayaaye




 




ODHA daad u gala baa haddeer, loo duryamayaaye




 




Cidda Faysal liidkii duraba, diinnar ugu baaqi




 




Daabqadda Luul lagu sannifay, ee derbigu qoomay




 




Waa inay dirkii tahay Mataan, daynabshaa UCIDE




 




Daljirradu halkay qoon dhagreen, dooddu may garane




 




 Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye




 




Waxa Qabille loo daamurshaan, dooddu garanayne




 




Wax bariido kaba looga diday, dooddu may garane




 




JAMHUURIGU dakanada u galay, dooddu may garane




 




“DAMAL waa fadhiid” geesi yidhi,  dooddu may garane




 




NASIYEna astaan lagu dallacay, dooddu may garane




 




Daadduunka UDUB  yaa jeclaa,  dooddu may garane




 




Dabargooye dhitaduu jaqana, dooddu may garane




 




BADBAADANA wax daaddeys ku horay, dooddu may garane




 




NDB darraabada ay dhami, , dooddu may garane




 




“Danqaabeeya UDHIS waa bursayn”, dooddu may garane




 




Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye




 




Cashuuraha markaad doonayseen, deex-san baad tidhiye




 




Adaa deyday nagu raadshayoo, noo dus-yimi hiire




 




Diintiyo Samaalow kitaab, “daalacaan” idhiye




 




Bareyaasha sabab loo dayaco, dooddu may garane




 




Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye




 




Gabbooseba dharaar xaal degdega, raalli naga doonye




 




Dimuqraaddinnimadii ku aas, Jaalle kuu dilaye




 




Dibirradu Qaddaafay hoddoo, dala’sigii nuugye




 




Wax-ka-daye cagaa duulki Gedo, loo darxumo-waabye




 




Jihaadkiba agoontuu daldalay, daaciyaa qubaye




 




Mahatiir cidbaa dacal-dhigtiyo, Neelsankii dirice




 




Dabcigiisa waxa dhaadi jiray, daal ninkii badaye




 




Dirirtii shahiidkiyo wacdaro, lagama daaheene




 




Isagoo dayacay oo Tubeec, diifna ugu ciidmin




 




Muqdishiyo dunteedii xabaal, kulama doodeene




 




Daljir Muuse, diricyaal xusloo, Qaybe ugu dooryay




 




“Digashada ku aasaay guddida”, muu darbeen boqole




 




“Waa digreeto ereygiisu culus, meydna derejeyne




 




Noolaha ilbaa loo dabaa, dabin-ka-boodkiiye




 




Caataan u doorbiday qoraal, inu duxaystaaye




 




Adoon doonin maamuus Gaheyr, docashadaas keydi




 




“Iigama dartee keen” ku idhi, erey-daleeleede




 




“Axaddii darbaa geeyay meel, duudyadii Herere




 




Isniintiiba duri baa ku dhacay, waa duq aan kicine




 




Darka waad u helaysaa kanshee, kaadso doobyahaw’e




 




Xaglo-toosiyaa soo daf yidhi, xaynna daaddihine




 




Saakana anaan dool ku tegin, daba-dhiggaygiiye”




 




Dibnihiisa kama gaabiyeen, Xaajigaa dirane




 




Cirro iyo Aqoonyahan debbere, diidmadii Xarafe




 




Waxba yaanu goortaan “dug” dhaho, dogobka ii qiijin!




 




Dal-mideeyee, hooyada dihdee, Jeedna lagu duugay




 




Tacsi daaf geddii uu ku dhacay, diid dhambaal qudha’e




 




Ma deyrsheen inuu tago xabaal, danab Tallaabiiye




 




“Docdi Saqadhi naga awdi jiray, duufannaa imane”




 




Waa loo darsanayaa bilays”, duurxulkiyo oohin




 




Darayiyo jirrada saban dugsaday, lama daryeelayne




 




Dubay maalin lagu aasaybaaad, deeqo fidisaaye




 




Danab Shiine, Koosaarki Damal, dooxatada laysay




 




Danjiruhu fartuu taagay milay, daambas sama-doone




 




Shirqoollada digtaatoor ku kaco,  dooddu may garane