Tuesday, April 15, 2014

Inter Milan Oo Sarre U Qaaday Xiisaheeda Fernando Torres.


Agaasimaha guud ee Inter Milan Marco Fassone ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga ka dhacay Chelsea Fernando Torres dhamaadka xilli ciyaareedka.




 




Inkastoo tababaraha Chelsea Jose Mourinho uu dhowr jeer weerar ku qaaday weerarkiisa gaar ahaan Torres, waxa uu xilli danbe sheegay in xiddiga reer Spain uu mustaqbal ku leeyahay Stamford Bridge.




 




Halka Torres uu doonayo inuu bedelo fekerka uu ka aaminsan yahay Mourinho, Inter ayaa dooneysa inay la soo wareegto 30 jirkaan.




 




“Torres waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda aan xiiseyneyno” ayuu Fassone u sheegay Daily Mirror, halka uu sidoo kale si maldahan u qiray xiisaha weeraryahanka mar uu u hadlayay website-ka kooxda isbuucii hore.




 




“Madaxweynaheena Erick Thohir ayaa qirtay taas maalmo ka hor. Waxaadna ogaan doontaan ciyaartoyda aan xiiseyneyno waqti gaaba gudaheed.”




 




Go’aankii uu Mourinho kaga saaray Torres line-upkiia kulankii wareega 8da Champions League inkastoo uusan heysan weeraryahano badan ayaa dad badan ay u arkeen inay marqaati u tahay in waqtigiisa Stamford Bridge uu tirsamayo.